Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay ka qeybgalkiisa shirka ku qabsoomaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay in magaalada Boosaaso uu kala soo duulay mas’uuliyad uu sheegay inay usoo dhiibteen dadka ku hoos nool maamulkiisa waxa uuna sheegay in marnaba uusan Muqdisho kala laaban doonin wax dhibaaya dadka ku hoos nool maamulkiisa.
Gaas waxa uu sheegay inay horfadhiisan doonaan misna kulamo la qaadan doonaan madax ka tirsan golaha ammaanka ee Qaramada midoobey oo ay kala hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso doorashada.
Waxa uu sheegay in kulan waliba oo dhaca aysan Puntland aqbali doonin in laga weecdo qaabka loo jiheeyay misna lagu heshiiyay in lagu hirgaliyo hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka, iyo heshiiskii u dhexeeyey dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ee lagu jaan goynayey qaabka loosoo xuli doono xubnaha Baarlamaanka.
Waxa uu sidoo kale, sheegay in marnaba aysan qaadan doonin in faragalin lagu sameeyo dastuurka iyo qodobadii laga soo saaray shirka wadatashiga ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho.
C/wali Gaas, waxa uu sheegay in aaditaankiisa magaalada Muqdisho aysan ka turjumeynin inuu sameyn doono tanaasul waxa uuna ku baaqay in mar waliba saaxiib laga dhigto sharciga.
Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay shirar gaar gaar ah ku yeeshaan madaxda DFS, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilaha Beesha Caalamka.
Ma cadda go’aanada kasoo bixi doona shirarka sida xooliga ah uga socon doona magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

