Gaasow, waa kuwee kuwa Hargeysa & MUQDISHO ka duminaya PUNTLAND?

Xalay maruu Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kula kulmay ganacsatada Puntland qaar ka mid ah Madaxtooyada Boosaaso, wuxuu si furan ugu sheegay in siyaasiyiinta Puntland ay yihiin kuwa marwalba ka soo dumiya Puntland magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdisho.

Hadalka madaxweynaha ayaa u muuqanay inuu ilawsan yahay inuu Muqdisho ka soo noqday Wasiir iyo Ra’isul wasaare dawlada Federaalka Soomaaliyeed, Cabdiweli adigaa Muqdisho joogi jirey waqtigaas ma waxaad ka shaqyn jirtey danta Soomaaliyeed mise duminta Puntland?.

Madaxweynaha waxaa hadalkiisa uu ganacsatada ujeedinayey ka muuqday inuu fikir ahaan aaminsan yahay keligiis inuu siyaasi u yahay Puntland ama ay hadaladiisa ka dhadhamayeen aragti kelitalisnimo.

Gaasoow waxaa lagaa rabaa inaad cadayso kuwaasi kuwa ay yihiin? Siyaasiyiin badan ayaa waxa ay qabaan welwelka ah in Puntland ku burburayso gacmaha Madaxweyne Gaas. In badan ayaa aamusnayd inta laga gaarayo 08 Jan 2015, waxaase u malaysaa Madaxweynuhu isagu inuu garaacayo durbaanka khilafka iyo colaadinta Siyaasiyiinta reer Puntland.

Gaasow adigoon joogin Puntland ayey jirtey, weyna jiri doontaa, Puntland waxaa iska leh dadka Puntland, wayna wada ilaashanayaan goob walba oo ay joogaan. Dalka Soomaaliya ma ahan dal kala qoqoban oo aan la isu gudbi karin magaala walba oo siyaasiiynta Puntland joogaan waa magaalo Soomaaliyeed, waxayna la joogaan bulsho Soomalaiyeed.

Muqdisho iyo Siyaasiyiinta Puntland.

Muqdisho waxaa ku sugan Xildhibaano, Wasiiro, Siyaasiyiin, Ganacsato reer Puntland ah, horena way ugu sugnaayeen Madaxweyne maxaad ku diiday mise hogaamintii Puntland ayaa kugu adkaatay oo talo ayaa u baahan tahay?

W/Q: Cabdishakuur Mire

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid