Gabadhii Jarmalka ahayd ee laga afduubtay Xamar oo lasoo bad-baadiyey.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay soo furtaan Haweeney u dhalatay dalka Germany oo Bishii Shanaad ee sanadkaan laga Afduubtay magaalada Muqdisho.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Sonja Nienteit ayaa ka tirsaneyd hay’adda Laanqeyrta Cas, waxaana loo afduubtay gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Haweeneyda ayaa kooxaha hubeysan waxaa la sheegay inay ku heysteen deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud, laakiin si cad looma sheegin halka ay ku sugnaayeen.

Lama sheegin khasaare ka dhashay howlgalka, hase ahaatee 6 bilood kaddib Sonja Nientiet ayaa xorriyaddeedii dib u heshay Xalay, sida xubnaha saraakiisha howlgalka hogaaminayay ay shaaciyeen

Sonja Nientiet,ayaa laga afduubtay Xarunta Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Magaalada Muqdisho,waxaana Afduubkaas lagu eedeeyay in ay geysteen shaqaale ka tirsanaa Hay’adda Laanqeyrta Cas.

Afduubkaas waxaa uu sababay Hay’adda in ay dhinto shaqaalihii ka joogay Soomaaliya sidoo kalena hakad geliso howlihii ay ka wadday Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com