Xasan Sheekh oo sheegay qodob aysan Somalia iyo Ethiopia ku heshiin karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka hadlay xiriirka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Xasan Sheikh ayaa sheegay in hal arin aysan ku heshiin karin Soomaaliya iyo Ethiopia, arintaasi oo uu ku tilmaamay inay tahay siyaasadda, maadaama dalka ay dhibaatooyin siyaasadeed ka jiraan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kasoo horjeestay Ololaha dowladda Soomaaliya ay waddo ee ku aadan Hanaan goboleedka dalalka geeska Afrika ee ku aadan horumarinta dhaqaallaha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan dhici karin in ay Soomaaliya iyo waliba dalka Itoobiya ay ku midoobaan Siyaasad xilli Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin badan sidda Siyaasad aan degeyn iyo waliba dalka oo aan la heyn Ciidan xooggan.

Waxaa uu sheegay in aan la bilaabin karin xilliggaan Midnimadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu sheegay in hadda loo baahan yahay in dalka dib loo dhiso oo aan umadda Soomaaliyeed dhibaato hor leh loo horseedin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir wanaagsan la sameeyay dowladda Ethiopia, kaasi oo sababay in maamuladii dalka ay dareemaan culees dhanka dibadda ah, maadaama lasoo xirxiray dhaqdhaqaaqyadii ay sameyn jireen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com