Galeyr oo shaaciyay talaabo uu qaadi doono haddii Biixi uu fulin waayo heshiiskiisi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay heshiiskii ay la galeen xukuumadii Kulmiye, isagoona sheegay inay weli ka dhago adeygayso xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi.

Prof. Galeyr ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in maamulka Somaliland la kala yeesho, isla markaana rajo xumo ka muujiyay heshiiskii uu hore ula galay xukuumadii Axmed Siilaanyo.

Prof Cali Khaliif Galeyr ayaa hadalkaasi ka jeediyey, xaflad hay’ad samo-fal ah loogu sameynayey mujaahid Axmed Ismaaciil Dukhsi oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM ee uu ka tirsanaa madaxweynaha talada Somaliland haya ee Muuse Biixi, wuxuuna yiri:

“Anigu waxaan odhan lahaa oo khalad badan laga fahmay waar Somaliland la wada leeyahay habkii Axmed Ismaacil Cabdi iyo ragiisu ay uga shaqeeyeen aan looga shaqayn walee meel fog ayaa laga dooni, Xamarna waxa yaala waan ognahay Garoowe iyo halkan 4.5 ayay noqtay bal inan tolkii uga dhawahay Somaliland iyo Burcaba ee hadana leh Somaliland ayaan aaminsanahay”.

“Haddana aan ka dhaqaaqi karayn heshiiskii madaxweynuu saxeexay oo baarlamaanku gudbiyay, hadalkaas waxaan u leeyahay dad badan ayaa odhan jiray waanu ku maq-maqli jirnaye, saxaafada anigaa ka gaabsaday maxaa yeelay tabliiq siyaasiga aanu ka hadlaynay ayay dadka qaarkii shido iyo xumaan u arkeen waar anaga ayaa Somaliland rabna waar anaga ayaa ka mid ah, cidna marti uma nihin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Arrintaas haddii aan la dhamayn, hadda maaha mid la leeyahay hadaydaan waxaas dhamayn anaguna sidas ayaanu yeelaynaa ,waxaanu magaaladan ka maqalno iyo dad mas’uul ah oo aanan ugaba baran inay arimo siyaasadeed ka hadlaan oo ciidamada ah oo nin ciidanka hoggaamiya sidee arimo xaasaasi ah oo qabali ah oo runtii dhib nagu wada haya, cidaad la leeyahay cidii baxdayna tage kuwa kalena haka daba tageen”.

“Nin weyn tag lama yidhaahdee wax uu ku tagaa la tusaa, Somaliland cid kale leedahay walee in aanan kamid noqonayn Somaliland aanu marti ka nahay oo aanu baryayno kama mid noqonayno, anigu hadaan ka mid noqdo waaban joogaa Hargeysa ee umada aagaas joogtaa oo la leeyahay 6800 oo ciidan ah ayaa u qoran oo laba milyan oo doolar ayaa ku baxda caaglaynta iyo khaladka Hargeysa ka socda umad kale laguma eedayn karo, ka tagayna waxa uu uga tagay ayuu arkay waar inta yar ee ku hadhayna ha ka didinina”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com