Fallanqeyn: Hanjabaadda Axmed Madobe ee Farmaajo

Tan in iyo markii ay dhacday doorashadii Jubaland, waxaa la sugayay in Axmed Madoobe hadlo oo la ogaado wuxuu damacsan yahay.

Axmed Madoobe waa hadlay wuxuu ku tilmaamay doorashadiisii inay ku timid rabitaanka reer Jubaland iyadoo aan cidna la khasbin, cidnana la laaluushin.

Eed iyo Hanjabaad

Wuxuu dawladda dhexe ku eedeeyay inay tahay mid waddanka u horseedaysa bur-bur iyo dagaallo hor leh. Wuuna hanjabay oo wuxuu yiri haddii dawladda Farmaajo aysan qaab dhaqankeeda Jubaland wax ka beddalin, arrintu sidaan waa ka adkaan doonta. Hanjabaadda Axmed Madoobe waxaa badanaa loo fasirtay inuu xiriirka u jari doono dawladda dhexe amaba uu oran doono Jubaland Soomaaliya wa ka go’aday oo Kenyay ku biirtay. Taasina waxay noqonaysaa khiyaano iyo bur-burin qaran (High Treason).

Si kastaba ha ahaatee arrintaan waa midda walieeg Kenya dabo joogtay oo ahayd inay Jubaland ka dhigato buffer zone ay iyadu maamulato, uuna ka taliyo qof iyada ka amar qaata.

Haddii tallaabadaas ku dhaqaaqo, waxay noqonaysaa qas iyo fawdo hor leh. Laakiin sharci ahaan wax dhaqan gali kara ama cidina aqoonsan karto ma noqonayso. waxay muujin doontaa maan gaabnimadiisa iyo sida uusan ula socon ujeeddada fog ee Kenya ka leedahay curyaaminta Soomaaliya iyo xalaalaysiga khayraadka baddeeda. Halka waxa keliya ee isagu raadinayo ay noqonayso Kurisga.

Sida muuqata labada dhinac sidii hore way sii kala fogaadeen.

Maxaa xal ah?

Xalku waa in qori iyo qaaciisba la isla tuuro.

  1. In dib u heshiisiin dhab ah laga dhex sameeyo beelaha Jubaland ka hor inta aan doorasho dambe la samayn.
  2. In oday dhaqameedyada saxda ah ay beel walba ka soo xulaan xildhbaanadooda.
  3. In xildhibaanada saxda ah loo gudbiyo dawladda dhexe iyo tan maamul goboleedka Jubaland.
  4. In Saxaafadda iyo beesha caalamku goob joog ku ahaadan rugta doorashada.
  5. In maamul ku meel gaar ah loo dhiso Jubaland, xaruna looga dhigo meel aan ahayn Kismaayo.
  6. In beesha caalamku ay u hoggaansanto go’aanada dawaladda ee ku aaddan Jubaland.

Muxuu Axmed Madoobe ku mutaystay Xukunka

Axmed Madoobe aha nin la bidayo aqoon oo waligiis xataa dugsi hoose ma dhigan, waddani ma aha haddii kale Soomaaliya cadow gacanta uma galiyeen, waayo aragnimo dawladeed iyo mid maamul ma leh, ciidankiisa iyo shaqaalaha xukuumaddiisa waxay u badan yihiin Liyuu Boliiskii iyo sirdoonkii Cabdi Ilay oo Jubaland u soo cararay markii la qabtay Cabdi Ilay.

Marka sow ma aha in la is waydiiyo muxuu ku Madaxwaynenimada Jubaland ku mutaystay.

Ugu dambayn, khatarta ugu wayn oo ay wajahayso midnimada, madax banaanida, dib u heshiisiinta, iyo dib u dhiska Soomaaliya, waa Axmed Madoobe oo raba inuu Jubaland gacanta u galiyo dalal shisheeye ah.

Ma mudna Axmed Madoobe inuu Jubaland xoog ku haysto ee wuxuu mudan yahay inuu maro waddadii saaxiibki Cabdi Ilay, iyo tii Qadaafi ay mareen.

Allow sharkiisa ka bed-baadi Soomaaliya

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com