Shacabka Galmudug waxaa barashada Qoor-Qoor uga filan xafladdii dorraad!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisaab malahayn tirada dadkii ka soo qaybgalay Xafladda ku dhawaaqista musharaxnimada Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaase ka sii darnaa lacagtii dorraad halkaasi laga bixiyay.

Warbixintaan waxaa ka soo xiganeynaa qaar kamid masuuliyiintii munaasabadda ka soo qayb galay oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo nooga sheekeeyay dhacdooyinkii dorraad ee munaasabadda.

“Waxaan kamid ahaa dadkii dorraad lagu casuumay munaasabadda musharaxnimada Wasiir Qoor-qoor, waxayna indhaheygu qabteen lacagta waalida ah ee lagu bixinayay goobta ay munaasabadda ka socotay” ayuu yiri masuul ka tirsan dadkii goob jooga ahaa.

“Waxay aheyd Xaflad lacagta ku baxday qofkii aan tagin uu ka dareemi karay magaalada oo dhan iyo dhowr calaamadood oo kale oo goobta ka muuqatay, balse anigu maxay indhaheygu qabteen, lacag waali ah oo qofkii salaamo musharaxa lasiinayay, waxayna aheyd doolar Kaasha ah (Cash), ma hubo in dadka oo dhan ay helayeen balse aniga dhowr qof ayaa arkay oo gacanta loo geliyay” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay islamarkaana aan qarinay magaciisa.

“Intaas oo dhan waxaa ka sii daran, lacag yar ma aheyn wixii la bixinayay, waxaana qofkii loo garto loo jarayay xoogaa lacag ah, musharaxa waxa uu jeebkiisa ka soo bixinayay lacag boqol boqol u xiran waxaana dadka loo jaryay lacag aan ku qiyaasay 500-1000$” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qof kamid ah masuuliyiintii goobta ku sugneed.

Dadka ugu badan lacagta helay waxay ahaayeen odayaasha dhaqanka ee degaanka, Xildhibaano iyo siyaasiin kale oo degaanka ka soo jeeda iyo kuwa aan ka soo jeedin balse miisaan culus ku leh siyaasadda Soomaaliya, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadkii goobta ku sugnaa.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Muqdisho, feel dheer hotel-ka Jazeera ka jira mashquul badan iyo safaf dhaa-dheer oo lagula kulmayo musharax Qoor-qoor oo halkaasi dagan. Dadka raadinaya musharax ayaa ka kooban 3 qayb oo kala ah.

  1. Qof u raadsaday shaxaad ama in xoogaa lacag ah uu ka soo helo maadaama agtiisa ilaa dorraad la sheegayo in lagu bixinayay lacag badan dad badanna ay ka heleen.
  2. Shaqsiyaad raba in ay ka soo muuqdaan ololihiisa iyo kooxda olalaha kuwaas oo u badan dhalinyaro degaanka u dhashay.
  3. Iyo shaqsiyaad siyaasiin ah oo ugu socda hambalyeen, talo soo jeedin iyo sheeko caadi ah.

Shaki kuma jiro in lacagtii dorraad la bixiyay ay aheyd midda qaranka oo ay Qoor-qoor gadaal ka riixeyso Xukuumadda Soomaaliya. Warar ayaa sheegaya in malaayiin lacag ah ay siisay dowladda Soomaaliya Wasiir Qoor-qoor ka hor ku dhawaaqista musharaxnimadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com