Xildhibaanada baarlamanka Somalia oo laga kaxeestay ciidamadii ilaalada u ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa amray in la soo xareeyo dhammaan ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ilaalada u ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidankaan ayaa looga yeeray taliska Villa Baydhabo oo ay ku jiraan muddo ka badan 7 maalmood, sida ay noo xaqiijiyeen Xildhibaanadii laga ka xeestay ilaalada.

Dhowr Xildhibaan oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in muddo todobaad ah ay yihiin ilaalo la’aan, islamarkaana maanta loo cadeeyay in aysan soo laaban doonin ciidankii ilaalada u ahaa.

“Muddo dhowr maalmood ah wax ilaalo ah ma heysano, waxaana looga yeeray Villa Baydhabo ilaa haddana sooma laaban” ayey tiri Sen Nuure Jaamac oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Taliska Villa Baydhabo oo aan lahadalnay, waxay noo sheegeen in amar ka soo baxay Jeneral Odowaa lagu xareeyay dib dambane aysan usoo laaban doonin” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka oo aan la hadalnay.

Xubnaha Ciidanka laga ka xeestay ee ilaalo la’aanta kuwaas oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaraya ku dhowaad 100 Xildhibaan oo isugu jira labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada laga xareeyay ilaalada waa kuwa markii hore ilaalada u aheyn ciidan ka tirsan Gaashaandhigga Soomaaliya, halka Xildhibaanada kale ee ilaalada u ahaayeen Ciidamada kale aysan waxba iska badalin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com