Galeyr: “Somaliland wey na laysay iyadoo qabaa’il ah”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta mar kale ka hadlay heshiiskii u dhaxeeyey Khaatumo iyo Somaliland ee sanadkii 2017 ka dhacay magaalada Caynaba.

Cali Khaliif, ayaa waxa uu sheegay in xiligan Somaliland looga baahan-yahay inay fuliso heshiiskii uu hore ula galay madaxweynihii hore ee Siilaanyo, wuxuuna yiri

“Waayadan waxaad maqlayseen in qolyo khaatumo ah iyo qolyo guddi Somaliland ah oo wasiiro u badan uu wada hadal u socday, arimo cul-culusna waa ka wada hadalnay iyada oo ay jiraan qaar aanu heshiis ku gaadhnay,waxaana jiray heshiis aanu ku saxeexnay Caynaba 20 October 2017, kaas oo madaxweyne Siilaanyo saxeexay aniguna aan saxeexay baarlamaankuna ansixiyey”.

“Hadaba dimuqraadiyadeena iyo is-xukunkeenu waaba inagu cusub yahay waana laga yaabaa in hawsha sidaas u dhacday ee madaxweyne saxeexay oo baarlamaanku ansixiyey in loo qaadanayo toos oo la hirgelinayo balse ma dhicin iyada oo labada madaxweyne ee la kala wareegay heshiisku ay xisbiga Kulmiye ahaayeen, waxay noqotay in hadana hawshaas oo culus darteed waxay dhabtu tahay in siyaasadu ay marmar sakal gasho bal markaa in siyaabo kale oo wax lagu xaliyo la raadiyaa, markaa waxaan is idhi armaa tabliiq siyaasi ahi wax soo kordhin karaan oo dadka shacabka ah ee Somaliland oo arimahani khuseeyaan armay fiican tahay inay war ka hayaan”.

Galeyr ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey ineysan jirin wax mansab ah oo uu ka rabo Somaliland iyo Soomaliyaba, isagoona sheegay in Somaliland ay dagaal dad laayen ka geysteen deegaanada Khaatumo, wuxuuna yiri

“Anigu Cali ahaan mansab aan Somaliland iyo Soomaaliya ka rabaa ma jiro, dhaqaale aan ka rabaana ma jiro laakiin waxa ii muuqata in somaliland iyo hogaamiyaha maanta jooga haddi aanay ka fiirsan arimaha gobolada Sool, Sanaag, Cayn iyo Boorama oo darafyada ah wax aynu xamar nidhaahno waan ula doodaynaa oo laynaga dhagaysanayaa ma jirto.”

“Waa nala laayey soo maaha, waar Somaliland waa na laysay iyaga oo qabaa’il ah iyo ciidamo ahba oo hubkii Somaliland ayey magaaloyinkayaga kusoo galeen, waar anaga ayaa ku haysana maxaad noo layseen, balse anaga ayaa rabna Somaliland oo dantayada ka aragnay, meel kale oo aanu ku doorsanaynaana ma jirto”.

Wuxuuna intaas kusii daray Cali Khaliif Galeyr “Haddii dhag loo dhigi waayo xitaa haddii aan anigu iska dhoofo oo aan iska tacabiro, waxa la yidhaa rayi wakhtigiisa yimid wax is hortaagi karaa ma jiro, waan ogahay oo fule xantiisa ma moogee cida odhanaysa Cali Khaliif yuu wataa dhulbahante lama socdee waa beentood, fikirka dadkayagu rabaan waxa weeyaan in aanaan Somaliland iyo reer sheekh Isxaaq marti uma noqonayno ee waxbaanu wada yeelanaynaa ama waxba iskuma nihin”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com