Galka Baarista VOA: Amisom oo la sheegay in xad-gudubyo galmo oo ka waddo xarunta Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan xafiiska QM ee UNSOS ayaa Amisom ku eedeysay inay xadgudubyo galmo ka gaysato xerada OPD oo ku dhex-taalla xarunta Xalane ee Muqdisho, oo la sheegay in gabdhaha Soomaalida ah lagu kufsado.

Bishii August ee sannadkan ayaa warqad ay qortay sarkaalkan sare oo ka tirsan UNSOS oo taakulaysa ciidamada AMISOM waxay ku sheegtay xadgudubyo iyo ka faa’iidaysi dhinaca galmada ay ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM iyo ajaanib kale.

Waxay warqaddeeda ku sheegtay ay ka dhaceen degaan lagu magacaabo OPD oo ay ku nool yihiin dad rayid ah oo Soomaali ah. Degaankaas ayaa ku yaal xerada Xalane.

Eedahaas AMISOM way beenisay dhammaantood, dhinacyada soo jeediyeyna masoo bandhigin wax caddaymo ah.

Hase yeeshee Galka Baarista waxa uu ogaaday in horey loogu heshiiyey in gebi ahaanba xeradaasi la xiro lagana gooyo AMISOM sannad ka hor.

Haddaba sannad kadib markii heshiiskaasi la gaadhay waxba kama hirgelin dhammaan qodobada lagu heshiiyey. Xerada OPD lama xirin, weliba waxaa gala ciidamada AMISOM, sidoo kale way ka go’an tahay degmada Wadajir oo ay degaan ahaan ka tirsan tahay, waxayna gudaha ugu jirtaa xayndaabka AMISOM.

Warbixintan waxaa diyaariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com