Galmudug iyo magaalooyinka kale oo aan laga ciidin

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xalay  saq-dhexe ah dowladda Soomaaliya ay ku dhawaqday in maanta ay tahay maalinta koowaad ee munaasabadda Ciidul-Fdiriga ayaa waxaa jira magaalooyin aan saaka laga ciidin, islamarkaana laga Sooman yahay.

Caasimada Online oo la xariirtay meelo badan ayaa ogaatay in saaka aan laga ciideynin inta badan gobollada dhexe, sida Dhuusamareeb, Guriceel, Caabudwaaq, Cadaado, Gaalkacyo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in degmooyin ku yaalla gobolka Sh/ Dhexe aan laga ciideynin, sida Warsheekh, Cadale iyo deegaano hoostaga magaalooyinkaasi.

Waxaa sidoo kale jira in Muqdisho dadka qaar ay weli Sooman yihiin, islamarkaana ay dhameystirayaan 30-ka bisha ramadaan, inkastoo shacab fara badan oo ku sugan caasimada ay saaka si weyn u ciidayaan, kuwaas oo lagu arkayo meelaha dalxiiska.

Kala qeyb-sanaanta ciida ayaa timid, kadib markii xalay fiidkii hore dowladda dhexe iyo  maamul goboleedyada qaar ay shaaciyeen in maanta oo Sabti ah la dhameystiraan Soon, sida wadamo badan ay ku dhawaaqeen, balse DF ayaa xalay xilli dambe sheegtay in maanta ay tahay ciid, bishana laga arkayo meelo badan oo ka mid ah dalka.