Madax muuqda iyo middi saawira midna lagama samro

Qeybtii 3-aad

Hordhac:

Intaan u gudagelin qaybtan, waxaan doorbiday inaan halkan idinkula wadaago talooyin iyo tusaale igaga yimid dad badan oo boggan Caasimada  ku xiran kaddib markii ay akhristeen maqaalkii kowaad, kuwasoo intooda badan muujiyey inay xiiso gaar u qabaan  qodobbada looga hadlay qoraalkaas soona jeediyay in, qoraallada ka sokow, talooyin iyo aragtiyo loogu lafaguro ay bogga Twitter-ka ee hoos ku qoran, intii markaas daneenayso.

Sidaa awgeed, akhristayaasha ku sifoobay kuwo ka madax bannaan warxumo tashiilka, qabiilka, cuqdadaha nooc kasta ha ahaadeen, dano shakhsiyadeed isla markaana daneenaya inay u kuurgalaan arrimaha aan ku soo bandhigo qoraalladayda waxaan ku wargelinayaa inaan soo dhoweynayo inay si xor ah u adeegsan karaan bogga Twitter-ka si aan u lafagurno talooyinna laysugu waydaarsado, Maahmaah banaadiri ah ayaa waxay leedahay: “Cirbad aruurtay masaar”, taasoo macnaheedu yahay in maskax kala fikir ah ay curin karaan afkaar saliim ah. Ugu dambayn waxaan qof kasta oo damiir kana damqanaya xaaladda ay dalka iyo dadka Somaaliyeed ku sugan yihiin u soo jeedinayaa: “Dad nagu abtirsada oo damiir laawayaal ah ayaa u horseeday musiibada nagu habsatay ee aan u kacno badbaadintaa dalkeenna iyo dadkeenna inta aanay gaarin meel aan ka soonoqosho lahayn”

Qaybta 3-aad

5 –  Shacabka Somaliyeed, waxaa ka lumay dhowr fursadood oo ay uga arrinsadaan sidii ay uga soo kabsan lahaayeen musiibadii ku habsatay kaddib markii ay burburtay dawladdi dhexe. Hore ayaan uga warbixiyey mana rabo inaan dib ugu laabto, dunta ay ka sameysnaayeen shakhsiyaadkii ka qaybgalay shirarkaas iyagoo metelaya shacab halaag ku dhacay. Sida maskaxda fayow qabto, waxay ahayd in marka hore laga doodo dhibka dhacay iyo xajmigiisa, si loo helo xal ku habboon isla markaana laga gaashaanto inaanu mar dambe dhicin. Ayaandarro, taasi ma dhicin oo waxaan xusuusanaa in shirarkii ugu horeeyey ay sii abuureen colaado hor leh oo dad iyo duunyaba ku baabe’een. Marka laga soo gudbo cilladda ah inaan shirarkaas laga wada doodin cidda dagaalsan iyo waxa ay ku dagaallameen ayaa xitaa waxaa meel looga dhacay tiirka asaaska u ah in ummad buruburtay oo dagaal xun dhex maray inay ku heshiiyaan Dastuur ay ku dhacmaan. Sida la ogsoon soon yahay Dastuur ma ahan mid ummadaha dunida oo dhan ka wada siman yihiin oo la soo minguurin karo ee waa mid ku saleynsan hadba ummaddaasi siday ay caddaalad iyo nabad ugu wada dhaqmi lahaayeen. Dastuur waa hooyada shuruucda oo dhan, sharcigii aan waafaqsaneena uu burayo. Markaad guri dhisayso, tallaabada ugu horreysa waa inaad asaaska adag ka bilowdaa kaddibna ku xijisaa qaybaha kale ilaa aad ka dhamaystirto saqafka oo ah midka gaashaanka u noqonaya wax kasta oo ku jira gudaha guriga. Ayaandarro, waxaa dib-u-dhiska laga bilaabay saqafka kore waqtigana laysaga qaaday awood qaybsi iyadoon aan marka hore la qeexin awoodaha kala geddisan ee ku qeexan dastuur kastan oo ummadii ku heshiiso.Taasi waxaa dheer in sanooyin badan kaddib maanta dalka uu leeyahay Dastuur qabyo ah oo aan cidna afti u qaadin waxaana shaki ku jirin in sanooyin damboo soo coda cidna meesha uu joogo ka nuuxin doonin. Dastuur aan afi shacab lagu ansixin waa xadgudub in lagu dhaqmo, waayo haddii hooyadii shuruucda oo dhan xaaran ku sifowday maxaa laga filan karaa inay ka farcamaan kara? Waxaa meesha ka cad inaan la doonayn in sharciga loo hoggaansamo laguna kala baxo oo ujeeddada ka dambaysaa tahay in dalka fowda lagu dhaqo waana midda ilaa hadda diiddan in dalka iyo dadka ay dib u soo ceshadaan qarannimadooda, midnimadooda, karaamadooda iyo sharaftooda. Dastuurku waa cahdi ay wada galaan shacab, haddusan jirinna ma wada dhaqmi karaan, waxaana sarreyn doona sharciga uu hoos tagi doonaa cidda ugu xoogga badan “ Jungle Law”.

Runtii, lama soo koobi karo waxa uu dastuur ku-sheeggu baday dalka iyo dadka Somaaliyeed, rajana lagama qabo inay caa   do qaatayaasha caadaystay inay dalkan ka shaqaystaan intii ay u shaqayn lahaayeen.

Ugu dambayntii, waxaan si hoose u darsay dastuur ku-sheegga, waxaana la fajacay qodobbo tiro badan oo si cad uga horimaanayo qarannimaha, midnimmada, diinta, dhaqanka iyo nabad ku wada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed. Waari maynee, war ha naga haro.

La soco qaybt soo socota, Insha Allah.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid