Ciidamada GALMUDUG oo jawaab culus ka bixisay weerarkii Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka Galmudug, Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) ayaa faah faahin ka bixiyey weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee ay Xalay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Sanka ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi ay ka hortageen, kana jawaabeen ciidamada ammaanka maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday qaarna la dilay, qaar kalena nolosha lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu dhigay hoobiyeyaashii lagu soo weeraray Dhuusamareeb.

“Ciidamada Qalabka sida ayaa si heer sare ah kaga jawaabay dhowr hoobiye oo xalay kooxda  Alshabaab kusoo tuurtay Dhuusamareeb.Waxaana ciidanka suurto gashay inay qaar laayaan, qaarna iyaga oo dhaawaca qabtaan miliishiyaadkii sootuuray madaaficda, sidoo kale waxay gacanta kudhigeen Hoobiyihii ay magaalada kusoo garaaceen iyo qoryahoodii,” ayuu yiri afhayeenka maamul goboleedka Galmudug.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay haatan Dhuusamareeb ku sugan yihiin madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo shir uga qeyb galaya magaaladaasi.