Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ma ka guul gaareen madaxweyne Farmaajo? 

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo wali aysan natiijada ugu dambeysa ee doorashada Soomaaliya soo bixin, haddne markii loo eego tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasada Soomaaliya waxaa muuqata inay wax ku socdaan sida ay dalbanayeen Jubaland iyo Puntland.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa ka diiday soo magacaabista guddiyada ku harsan illaa laga wada hadlo arrimaha dooddu ka taagan tahay, taasi oo ay sameeyeen markii beesha caalamka ay u damaanad qaaday in madaxweynaha uu wada-hadal ogolaan doono.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa sidoo kale waxay si cad u jebiyeen in liiska guddiyada loo diro Ra’iisul Wasaaraha si uu isaga usoo magacaabo taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada maadaama ay toos iyaga usoo magacaabeen. 

Xukuumada oo isku dayday in ay is hortaagto ayaa arrintaas ku guul dareysatay kadib markii ay si wadajir ah usoo dhoweeyeen xubnaha beesha caalamka. 

Guusha kale ee gaareen labadaan maamul ayaa sidoo kale ah inuu suurta galay qabsoomida shirkii ay ku baaqeen inkastoo waqtiga iyo goobta la badalay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya ka dambeeyeen joojinta saxiixii Madaxweyne Farmaajo ee 13-ka kursi ee gobalka Banaadir. Madaxweynaha si ramsi ah uma joojin arrintan, balse maadaama uu sheegay in wada-hadallada lagu saleyn doono heshiiskii 17-ka September, waxaa cad inaanay Muqdisho xuquuq heleyn.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in sidoo kale uu jiro ballan qaadyo maamuladaas loo sameeyay oo ku aadanaa arrinta gobalka iyo doodda ka taagan guddiyada ka imaanaya gobalada waqooyi ee Somaliland. 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya cadaadis badan oo dhanka dibada ah, kaas oo saameeyay go’aano iyo qorshayaal u adagsanaa maamulkiisa.