Daawo: Feysal Cali Waraabe oo soo jeediyey talo la xariirta Jeneraal Galaal

Hargeysa (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa ka tacsiyadeeyey geerida dadkii lagu dilay weerarkii gelinkii dambe ee shalay lagu qaaday Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Feysal ayaa si gaar ah uga hadlay geerida Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, waxuuna umadda Soomaaliyeed u soo jeediyey in loo dhiso taallo lagu xasuusto.

“Maanta waa maalin murugo, dadka reer Muqdisho waxaan uga tacsiyeynayaa geerida dadkii looga dilay weerarkii lagu qaaday hotel Afriik, waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa, geerida ku timid Jeneraal Galaal, oo ahaa ragii ciidankii Jamhuuriyadda Soomaaliya dhidibada u taagay, waxuu ahaa dagaalkii 1977-kii ninkii illaa Kaaramardha Xabashida ka qabsaday,” ayuu yiri Eng. Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Feysal waxa uu sheegay in Galaal ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee gacanta ku hayey taariikhdii Soomaalida oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya iyo Somalliland oo waayo badan soo wada jiray, balse hadda ku kala tegay Qaran jabkii ku dhacay Soomaaliya.

“Waxaan leeyahay Galaal Janadii Allaha ka waraabiyo iyo dhamaan intii dhimatay, Galaal taariikh ayuu leeyahay, waa inaad meel ku magacaawdaan oo xus u sameysaan, intii dhimatay oo dhan Allaha samir iyo iimaan hanaga siiyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa dadka reer Muqdisho kula taliyey inay toosaan oo taladooda ay gacanta ku dhigaan, isla markaana aysan shisheeye wax ka sugin.

“Anigu waxaan dhihi lahaa dadka Soomaaliyeedow taladiinu gacmihiiney ku jirtaa ee cidna haka suginina, waxii inka dhimanaada oo aad awoodi weysaan Soomaalida kale ayaa diyaar idiin la ah, hadii aad dadaashaan, wixii inka dhimanaada waan inkugu dareynaa, laakiin maanta taladiinu waxay gacanta u gashay wadamo danahooda inka dhex wata,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Allaha u naxariistee Meydka Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa maanta salaada Janaasada waxaa Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho kula dukadeen Ra’iisul wasaaha dalka, xubno ka trsan golihiisa wasiirrada, xildhibaano ka kala socday labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday midowga Musharxiinta iyo siyaasiyiin kale.

Intaas kadib waxaa galabta Meydka Jeneraalka loo qaaday magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, halkaas lagu aasayo.

Hoos ka Daawo