Cadaado (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay gaari ay laheyd wasiir ku xigeen ka tirsan Puntland oo kooxo burcad ah ay horey usoo dhaceen.
Ciidamada booliska Galmudug ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa howlgalkan si wadajir ah u fuliyay iyaga oo si gaar ah u baadi goobayay gaariga oo kooxaha hubeysan ay lasoo galeen dhanka Galmudug.
Gaariga ay gacanta ku dhigeen ciidamada Galmudug ayaa waxaa lahaa wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka ee Puntland, waxaana ciidamada ay ka warheleen in lala soo galay dhanka Galmudug.
Gaariga ayaa la sheegayaa in ciidamada ay ku qabteen kooxaha burcadda aheyd ee wadatay, waxaana la sheegayaa in la xiray dadkii falkaasi lagu soo qabtay, walow wararka qaar ay sheegeen inay baxsadeen burcadda.
Galmudug ayaa muddooyinkii dambe waday talaabooyin la iskugu soo dhaweynayo shacabka labada maamul, waxayna ku daba joogeen gaarigaan oo xogtiisa horey loogu soo gudbiyay.