Galmudug oo si jees-jees ah uga jawaabtay hadalkii xildhibaannada BF

Cadaado (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa si kulul uga jawaabay haddal saacadihii ugu danbeysay kasoo baxay Xildhibaanada ka tirsan baarlamaka ee laga soo doortay deegaanada maamulka Galmudug.

Maamulka oo ka jawaabaya haddalkaasi ayaa sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka laga doonaayo inay gutaan howlaha loo igmaday ka hor inta aysan ka hadlin arrimaha maamulka.

Maxamuud Xasan Masagaway, oo ah Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in Xildhibaanada Dowladda ay dayaceen howlihii laga sugaayay, sida uu hadalka u dhigay.

Masagaway, waxaa uu sheegay in warkii shalay kasoo baxay Xildhibaanada uu ahaa mid aan xiligiisa la joogin isla markaana u muuqday mid baalmarsan Sharciga maamulka Galmudug.

‘’Waa ayaan darro in Xildhibaan howlihiisa dayacay uu ka hadlo mid aan isaga khuseyn, waxaan leenahay guta waajibaadka idinsaaran ee aad dayacdeen’’

Sidoo kale, Wasiir Masagaway, waxa uu ugu baaqay dowladda Dhexe , Beesha  Caalamka iyo dowlad goboleedyadda in aan lasoo faragelin howlaha dib u heshiisiinta ee ka socota Magaalada Dhuusmareeb.

Si kastaba ha ahatee hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli shalay xildhibaanada dowladda Dhexe ee laga soo doorto degaanada Galmudug ay sheegeen in ay kasoo horjeeddaan qaabkii loo maray dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com