Galmudug oo soo saartay hanjabaad ku socota…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyaha u yahay C/kariin Xusein Gulleed ayaa soo saaray warbixin baaq ah oo loo jeedinaayo shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya dalka Somalia gaar ahaan Gobolada dalka.

Warbixinta ayaa waxaa soo saaray Wasiirka wasaaradda gaadiidka cirka iyo duulista hawada ee Maamulka Galmudug, C/kariin Macallim Axmed waxa uuna shirkadahaasi ugu yeeray in duulimaadyadooda ay soo gaarsiiyaan garoomada Maamulka Galmudug.

Waxa uu wasiirka sheegay in loo baahan yahay in shirkadahaasi ay ka faa’iideystaan Garoonka cusub ee Diyaaradaha ee (Oshaca) ee Koonfurta magaalladda Gaalkacayo.

Waxa uu tilmaamay in garoonkaasi uu leeyahay baaxad weyn islamarkaana shirkadaha ay si aad ah uga faa’iideysan doonaan, isaga oo ku taliyay in diuulimaadyada xoogooda loo weeciyo garoonkaasi.

Qoraal uu soo saaray wasiirka ayaa waxa uu ku sheegay in diyaaradii aan duullimaad ka samaynin Garoonkaasi in lagala laaban doono fasaxa ruqsadda shaqo, lagana mamnuuci doono hawada maamulka galmudug.

Ma cadda in shirkadaha diyaaradahaasi ay u hogaansami doonaan amarka isugu jira codsiga iyo goodinta ee kasoo baxay Maamulka Galmudug.
Galmudug
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com