Hub aamusan, oo lagu galo DAGAAL daggan..!!!

Caalimka Luqad-yaqaanka ah Dr. Nacumm Tashoomiski ee u dhashay Wadanka Maraykanka, ayaa waxa uu Maqaalkaan kusoo bandhigayaa wax loogu yeero (Istaraatiijiyada Xakameynta iyo Hagida ee Tobanka Qodob ka kooban ) Istaraatiijiyadaan waxa isticmaala Hay’adaha Saamemyta waaweyn ku leh Caalamkan, waxaa loogu talagalay sidii loo Jiheyn lahaa Shucuubta dabcigooda, loona xakameyn lahaa ficiladooda iyo sida ay u fikiraan; sida uu qoraagu sheegay waxa uu maqaalkaan ka qoray “Dikumenti aad Sir u ah” oo Taariikhdiisu ay ahayd bsihii May 1979, waxaana la helay 1986-dii. Waxaana uu watay Cinwaan cajiib ah (Hub Aamusan , oo lagu galo Dagaal Daggan ).

Waa Buug yar, oo loogu tala galay sidi loogu Xakameyn lahaa Basharka, loona kala fur-furi lahaa Mujtamacyada si loola wareego Kartidooda. Raga ku taqasusay Arimahaan ayaa sheegay in Buugaan yar ay lahaayeen Loobiyada waaweyn ee Caalamka haga (ama Dowladaha Hooska ) oo aalaaba ay isugu yimaadaan Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Khubarada leh Takhasusyada kala duwan; Si Kastaba MAQAALKU WAA maqaal aad u saameyn badan, qaas ahaan sida weyn ee uu u kashifayo Qorshayaal argagax badan oo si cad aad ugu dheehanaysid Caalamka maanta ,

Hadal yaan lagugu daalin…………waatan Istaraatiijiyadii……………

1- Istaraatiijiyada Baashaalka iyo Damaashaadka

Waa cunsur Muhiim ah oo lagu sameyn karo Kormeer (Waardiyeyn kore) Mujtamaca, wuxuu u shaqeeyaa waxa uu ka duwaa,oo uu ka jeediyaa Mujtamaca Ra’yigooda Guud inay ku saleeyaan Qadiyadahooda Muhiimka ah; iyo Isbadalada ay gaaraan Nakhbada Siyaasadeed iyo mida Dhaqaale ee dalkaas (Isha ku God???!!!), si taas loo helo ayaa waxaa Mujtamaca lagu soo Harqiyaa hunu-hunu iyo macluumaad aan qiimo lahayn, Heeso, Muusiko IWM. waana hub facaal ah oo loogu tala galay in Caamada Mujtamaca si aysan u helin Cilmiga iyo Macrigada Aasaasiga ah gaar ahaan; Culuunta Dhaqaalaha, Cilmi-Nafsiga, Cilmigba Acsaabta, iyo Cilmiga Xakameyta Otomaatika ah (Automatic Control)….Istaraatiijiyadani waxa ay leedahay mujtamaca halaga fogeeyo inuu ka Fikiro Mushkiladihiisa Dhabta ah, ka dhiga mid lagu fidneeyay arimo aan ahimayd u lahayn, ka dhiga mid MASHQUUL……..…MASHQUUL…………..MASHQUUL AH oo aan waqti uu ku fakiro hayn; waana inuu dib ugu noqdaa Beerta (Moorada) sida Xayawaanka kale!?

2- Istaraatiijiyada Dhalinta Mushkildaha iyo Qalalaasaha islamarkaasna Xal u keenideeda

Usluubtaan waxa lagu Magacaabaa Mushkilad\Tafaacul(Reaction\ Xal; waxay ka bilaabanaysaa Abuurista Mushkilad ama dhalin Qalalaase, Ahamiyada laga leeyahay waa sidii loo heli lahaa ka dhiidhin Bulsho, meeshaasoo uu Mujtamacii af-labadii Qaylo dhaamiyo si uu u heli lahaa Xal Qanciya..Tusaale; waxaa la qarxinayaa Dagaal, ama waxa la sameynayaa weerar u dhiig ku daato, si ay u noqdaan Qawaaniinta Amnigu kuwa loo baahan yahay xitaa hadii ay meesha ka saareyso Xoriyadii…..(Meehaan Isha igula god) ama waxaa la abuurayaa Mushkilad Dhaqaale oo xal u helideedu Shardi looga dhigayo in laga tanaasulo Xuquuqo badan oo Bulsho ama loo kala fur-furo Qadamaad badan oo horey u jiray…..waxaana lasoo gudbinayaa Xal diyaar ahaa oo horey u Barnaamij garaysnaa, waxaana la leeyahay waa in la aqblaa maxaa yeelay waa Shar aan laga maarmi Karin (Isha ku god…..Dastuurka Federaha ah); ama Sida Soomaalidu ay tiraahdo XAQ MAAHANE WAA XAL !

3- Istaraatiijiyada Jaran-Jarada

Waxay Istaraatiijiyadaanu qabataa waxay Damaanad qaadaa, in la aqbalo waxaan laga yaabin in la aqbalo; macno kale hadii loo dhigo waxa weeye waxaa la rabaa arin aan hadda la aqbali Karin in laga hirgaliyo dal hebel; si arintaas loo aqbalo waxaa fulinteeda si tartiib ah loo wadayaa muddo dheer oo qaadanaysa 10-neeyo sano iyo ka badan; kadib markii la helo marmarsiinyo duruuf Dhaqaale ama Bulsho oo fareadyeesha waxii horey loo diidanaa; isbadalo badan oo laga yaabi lahaa in ay Sababaan Kacaano hadii si waxashnimo ah loo fuliyo ayaa si tartiib ah loo daba dhereeyaa iyadoo la marsiiyo Maraaxil kala duwan.

4- Istaraatiijiyada Dibu-Dhigida

Waxaa jira dariqad kale oo lagu hirgaliyo Qaraar kasta oo aan wadan Taageerada Shacabka, waxaa loo soo bandhigaa iyadoo la leeyahay waa qaraar “waa qaraar xanuun badan laakiin daruuri ah ”waxaana uu hadafkiisu yahay in la helo Taageerada Shacabka Mustaqbalka si loo hirgaliyo; maxaa yeelay waxaa fudud in nafta-loo huro Mustaqbalka balse la diido Xaadirka, maxaa yeelay dadaalka looga baahan yahay in arinta horay looga deg-deg kuma imaanayo, sidoo kalana Shacabku waxa uu badanaaba u janjeeraa inuu aamino “waxaan beri waa kala cararayaan;” ama “Mustaqbalka Qayr rajee” taasoo ah Sababta diidaysa in la helo Naf-hurida ay Qadiyadu u baahan tahay Hadda!?. Ugu danbeyntii waqtiga ayaa u ogolaan doona in Shacabku barto fikrada Isbadalkaas (dhagareysan) uuna adeeco arinta markuu waqtigeedu yimaado.

5- In Loola Hadlo Shacabka sidii inay yihiin Caruur aan qaangaarin

Inta badan Warbaahinta hagaysa Shacabka waxay soo bandhigaysaa khudbad, iXujooyin, ihyo Shaqsiyaad qaas ah oo inta badan u hadalaya sidii inay la hadlayaan Cunug gibin ah, oo aan caana-nuug ah ama Qaba cudurka Dhimirka. Marka kasta oo la rabo in dhagaystaha\Daawadaha la rabo in la marin-habaabiyo waxa la isticmaalaa Luqad Caruureed Sababtu Maxay Tahay?hadaad qof ula hadasho sidii inuu yahay 12 jir waxaad kawadaa inuu sidaas yahay, waxaana jira suurtogalnimo dhahaysa in ficiltankiisu uu noqonayo sidii isagoo 12jir ah!

6- La Hadlida Caadifada intii lala hadli lahaa Caqliga

Caadifada ayaa ah Usluubta qadiimka ah ee looga gudbo caqliga iyo taxliilkiisa, si loo dilo Boqorka Naqdinta…….sidaa darted isticmaalka caadifada waxa uu albaabka u furuyaa waxa la yiraahdo Wacyi-La’aan (unconscious) waxaana uu sidoo kale qaribayaa Awooda Fakarida, waxa uuna kicinaayaa Rabitaanada (shaqsiga ah) (maaha Baahida) Cabsida ama Ficiltanka xun.

7- Ku Maansheynta Shacabka Jahli iyo Qabinimo

Waa shardi in Shacabku uusan fahmin Teknaloojiyada iyo sida loo isticmaalo si loo kontaroolo loona adoonsado, “waa inay ahaataa nooca waxbarasho ee Shacabku uu helo mid Sadxi ah (superficial)waa in la ilaaliyaa fajwada (gap) u dhaxeeya shacabka iyo Nakhbada Faasidka ah (corrupt elites) waa in laga dhigaa gap-kaas mid aysan garaneyn Caamadu Sababteeda .”

8- In lagu Dhiiro Galiyo Shacabka waxyaabaha Xun-Xun

In lagu dhiiro galiyo Shacabka Waxyaabaha Xun-Xun oo ay ka raali noqdaan falalka Aqlaaq-Xumada ah oo ka hor imaanaya (Caqiidadooda, Qiyamkooda, HIddahooda iyo Dhaqankooda) maadaama ay yihiin mujtamac Qabi ah la dulleeyay Jaahilna ah.

9- In loo weeciyo iskacaabintii Danbi

In Shaqsi walba oo Mujtamaca ka mid ah uu isu arko inuu mas’uul ka yahay fashilka jira, Maxa yeelay Caqli Yaraantiisa darteed ama Daciifnimada Dadaalkiisa ama Qudradiisa. intii uu Kacaamin lahaa oo uu ka dhiidhin lahaa Nidaamka Siyasadeed ama Dhaqaale ee DAALIMKA AH qofku waxa uu mashquul ku noqonayaa Daatadiisa iyo Naftiisa waxana uu ku Maansheeynayaa Nafiisa Shucuur inuu danbiile yahay, taasoo ku abuuuuraysa xaalad Deganaansho daro (stress) ah taasoo si xun u saameysa Dhaqdhaqaaqiisii asagoon Dhaqadhaaqin ama Ka dhiidhin ma dhaceyso inuu Kacaamiyo. Hada Kacaamintii ayaa loo badalay Irhaab?!

10- U Barashada Shaqsiyaadka in Ka Badan sida ay Isu YAQAANIIN

50-Kii Sano ee lasoo dhaafay, Horumarka deg-dega ah ee uu Caalamku Gaaray waxay dhasahy inay sii baahdo fajwada (gap) u dhaxeeya Cilmiga Caamada iyo kan Nakhbada Culuunta Acsaabta iyo Bayolojiga iyo Cilmi-Nafsiga Tadbiiqiga ah, waxa uu Nidaamka Caalamiga ah uu ka gaaray meel aad u horeysa Barashada Insaanka haday ahaan lahayd Xubin ahaan, iyo hadii ay ahaan lahayd Naf ahaan, waxaa u suurto gashay inay u bartaan Ashqaasta in ka badan intay is-yaqaaniin, taasu macnaheeda waxay noqonaysaa in xaaladaha badidood in Nidaamku uu koontaroolo ashqaasta in ka badan intay iyagu is koontaroolaan.

Waxaa Diyaariyay: Sadat Geesh