Sawirro: Weeraro ka dhacay PARIS oo dilay 140!!

Paris (Caasimada Online) – Ugu yaraan 140 qof ayaa lagu dilay dhowr weerar oo toogasho ah oo caawa ka dhacay magaalada Paris ee caasimadda dalka France iyo sidoo kale qaraxyo ka dhacay meel u dhow garoonka Stade de France.

Ugu yaraan hal nin ayaa qoriga daran dooriga u dhaca ku furay dad ku sugnaa maqaayadda Petit Cambode ee degmada 11-aad.

Wargeyska Liberation ayaa ku warramay dhimashada afar qof. Waxa uu sidoo kale sheegay toogashooyin ka dhacay xarunta Bataclan.

Sidoo kale saddex qarax ayaa ka dhacay meel u dhow bannaanka garoonka kubadda cagta ee Stade de France, halkaasi oo France ay kula cayaareysay Germany.

Warar ayaa sheegaya in madaxweynaha France Francois Hollande uu daawanayey cayaarta, islamarkaana loo waday meel ammaan ah.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ugu yaraan boqol xabbad ay rideen dadkii weerarka soo qaaday.
10
15

16

11

1

2

PARIS: Breaking: Reports of shooting at restaurant in central Paris

5

6

7

8

9

14
Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com