Surgooyihii DAACISH oo markiisa la khaarajiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada cirka Dowlada Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday in duqeyn ka dhacday mid kamid ah Gobolada ay Maleeshiyada Daacish ka heystaan dalka Syria ay ku dileen ninka Kooxdaasi u qaabilsanaa Gooraca.

Warbixin kasoo baxday Dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in duqeyntaasi ay la beegsadeen gaadiid uu la socday ninka lagu magacaabo Jihadi John oo ah British ku dhashay dalka Kuwait.

Waxa uu Jihadi kamid ahaa 2 ruux oo ku dhimatay duqeyntaasi sida Saraakiisha Ciidamada Cirka Mareykanka sheegen.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa dhacday Habeenkii Khamiista waxaana la tilmaamay in gantaaladii ay tuureen diyaaradahaasi uu ku dhintay Maxamed Emwazi oo loo yaqaan ”Jihadi John” iyo ruux kale oo aan magaciisa la sheegin.

Qoraal kale oo kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Britain David Camiron ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Britain aysan kala cadeyn karin geerida Jihadi John iyo in uu ka badbaaday weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com