XOG: Puntland oo xadkeeda usoo dhaaftay DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda ay qaban doonaan shirarka looga tashanayo aayaha dalka iyo qaabka loo qaban karo doorashada 2016.

Qoraal kasoo baxay maamulka ayaa waxaa DFS looga codsaday inay soo ajiibaan dacwada shirka looga tashan doono Aayaha Somalia, waxaana qoraalkaasi lagu cadeeyay in dhaqaalaha intiisa badan uu maamulka Puntland dusha saran doono.

Maamulka Puntland waxa uu sheegay in shirkaasi lagu qaban doono deegaano dhowr ah oo ay kamid yihiin magaalooyinka, Boosaso, Qardho, Badhan, Garowe, Boocame, Tukaraq iyo Gaalkacyo, shirarkaasi oo la sheegay in midkiiba ka qeyb gali doonaan 100 ergo oo deegaanadaasi ka socda.

Puntland waxa ay sheegtay in DFS ay ku wargalineyso inay suuragal tahay in shirka lagu qabankaro deegaan waliba oo hoostaga Maamulka, waxaana qoraalka lagu cadeeyay in amaanka Puntland uu yahay mid sugan oo aan looga cabsi qabin carqalad dhanka amaanka ah.

Codsiga kasoo yeeraya Puntland ee ku aadan qabashada shirka looga tashanayo aayaha dalka iyo qaabka loo qaban karo doorashada 2016-ka ayaa imaaneysa xili uusan wali dhicin heshiis dhigaaya qaabka loo qaban doono doorashada 2016-ka.

Dhanka kale, Maamulka Puntland oo ah maamulka kaliya ee ka tirsan Federaalka ee gacanta ku haya deegaanada hoos yimaada ayaa u ololeenayey in doorashada ay noqoto Qof iyo Cod, walow taasi la sheegay inay suurto geli weysay daruufaha heysta Dowlada Federaalka oo kasoo bixi weyday hawlihii horyaalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com