VIDEO: AXMED MADOOBE oo difaacay KENYA.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si kulul uga hadlay eedeymo loo jeediyay Dowlada Kenya taasi oo la xiriirta in Ciidamada Kenya ay lacago canshuur ah ka qaadan Dhuxusha laga qaado Kismaayo iyo Sokorta kasoo degta dekeda Kismayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu nasiib darro u arko in dacaayad laga faafiyo Dowlada Kenya iyo Saraakiisha ka jooga Kismaayo, waxa uuna tilmaamay in nabada iminka ka jirta Kismaayo ay sabab u tahay Kenya.

Axmed Madoobe ayaa hadalkaani ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxa uuna tilmaamay in Maamulka Jubbaland uusan u dulqaadan doonin hadalada lagu dhaawacaayo Dowlada Kenya.

Waxa uu sheegay in wararka laga faafiyay Kenya uu yahay mid waxba kama jiraan ah in lacago sharci darro ah laga qaado Sokor ka soo degta dekeda Kismayo, waxa uuna sidoo kale sheegay ineysan jirin wax dhuxul ah oo laga dhoofiyo dekeda Kismaayo.

“Nasiib-xumo Warbixinta “Black and White” waxaa qoray Muwaadin British ah oo aan la soconin inuu Maamulka Jubba mas’uul ka yahay Badda iyo Dekedda Kismaayo” ayuu yiri Ahmed Madoobe.

‘‘Inta aan anigu ogahay ciidanka Kenya tan iyo markii ay soo galeen Somalia waxay ahaayeen ciidan waajibaadkooda yaqaan oo xirfadlayaal ah oo sabab unoqday amniga iyo xasiloonida aanu maanta haysano.’’

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay eedaynta la xiriirta xadgudubyada ayuu xusay in Jubaland aynan ogayn wax xadgudub ah oo dhacay.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu warbixintan ku tilmaamay in warbixinadii hore ee been abuurka ahaa oo dib loo soo celiyay isagoo calaama su’aal saaray ujeedada laga leeyahay,xiliga lagu soo beegay iyo xaalada siyaasadeed ee Kenya kajirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com