Xog cusub: Xasan Sheikh oo dibadda kala yimid siyaasiyiin Dam-Jadiid ah iyo qorshe cusub oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay ilo wareedyo ka tirsan garabka Siyaasada ku wehliya Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu dalka dibadiisa kala imaaday Siyaasiyiin dhowr ah.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu Siyaasiyiintaasi doonaayo inuu u magacaabo xilal kala duwan, waxa ayna xogtu sheegeysaa in qaar kamid ah Siyaasiyiintaasi ay kamid noqon doonaan Wasiirada cusub ee lafilaayo in dhawaan ay ku imaadan isku shaandheynta lagu sameyn doono Xukuumada hadda jirta.

Siyaasiyiin kale oo la sheegay inay qeyb ka yihiin kuwaani ayaa waxa uu Xassan Sheekh doonayaa inuu ku darro maamulka cusub ee Gobolka Banaadir, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in laba kamid ah loo magacaabi doono ku-xigeenada Gudoomiyaha Gobolka.

Siyaasiyiintaani ayaa la tilmaamayaa in tirro ahaan ay yihiin 6 kuwaasi oo laga soo kala kaxeeyay 3 dal oo ay kamid yihiin Britain iyo Mareykanka.

Madaxweyne Xassan ayaa wado qorsho uu ku doonaayo in dalka uu ku beero xubno Siyaasiyiin ah oo ka tirsan Damul Jadiid, kuwaasi oo la rabo inay dalka ku faafiyaan Siyaasada Kooxda ay aaminsan yihiin.

Lama oga waxa ay dalka kusoo kordhin doonaan Siyaasiyiin ku sifoowday is kooxeysi, sidoo kalana aan ka warqabin waxa ka jira dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com