BF SOMALIA oo mooshin ka diyaarinaya Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay yeesheen Gudiyada Arimaha Gudaha iyo Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Gudoonka Golaha Baarlamaanka oo looga dooday xaalada xuduudka Soomaaliya iyo Kenya iyo dhul balaarsiga ay Kenya ka wado xuduudka siiba degmada Buuloxaawo ayaa ka dhacay shalay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ayaa lagu magacaabay Guddi qaraar rasmi ah ka soo saara xadgudubka Badda iyo Berriga leh ee dowlada Kenya ku heyso dalka Soomaaliya si loo hor geeyo Baarlamaank iyadoo mooshin sharciyeed ah.

Gudoomiye Ku xigeenka Guddiga Arimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Guddiga la magacaabay uu sida ugu dhaqsiyaha badan u shaqo gali doono, isla markaana soo diyaarin doono qaabkii baarlamaanka Soomaaliya sharci uga soo saari lahaa xadgudubyada dalka Kenya.

Baarlamaanka ayaa dhinaca kale u yeeray Saddex wasiir oo ka mida xukuumadda Soomaaliya, kuwasoo kala ah: Wasiirada arrimaha gudaha, Dibadda iyo Gaashaandhigga si wax looga weydiiyo arrimaha xuduudka ka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com