Inta aanan ujeedada qoraalkaygan u galin waxaan idin waydiiyey ruuxa habawsan ee hadana indha la’ ee jarka dheeri ka horeeyo qofka uu waydiiyo dariiqa ma inuu jarka xagiisa u wadaa mise waa inuu jidka saxa ah tuso? soomaalia jarkaa loo wadaa kuwa u wadana dantoodaa ku jirta dhowaan mar uu Kenyan Former President Daniel Arab Moi ka hadlayey xaflad ka dhacday dalka maraykanka oo ahayd maalintii qaranimadooda wuxuu sheegay in soomaaliya inay dawladi ka dhalato aanay dani ugu jirin Kenya iyo Ethiopia toona, intaas miyaa la garan waayey maxaa looga hadli la’ yahay maxayse mar walba u dhacdaa in soomaali uu hogaanka u qabto mid ka xun Ethiopianka iyo Kenyatigaba.
Runtii waa wax aad looga xanaaqo qof kasta oo Soomaalinimo ku jirto oo wax kala garanaayna uu u arki karo qaabkan mid la damacsan yahay in dalka guud ahaan lagula wareego, waxaa muuqata inaan marnaba loo diyaar ahayn in la dhiso ciidan soomaaliyeed oo hanta difaaca iyo nabadgalyada iyo hirgalinta hawlgallada hay’adaha dawlada si dawladda soomaaliyeed iskeed dib ugu hanato mas’uuliyaddii ka saarayd dadka iyo dalka soomaaliyeed. Runtii waxaa kale oo wax laga xishoodo ah in madaxda dawladda raga hada sheegtaa ay ogolaadeen in la yidhaahdo Jamhuuriyada Soomaaliya oo dhan 10,000 oo askari baan loo qorayaa halka dawladaha boobka dalka u yimidna 22,000 lagu haynayo gudaha dalka, waxaa halkaas ka cad inaan marnaba la samaynayn ciidan ka awood badan ka hub badan kana dhaqaale badan kan dibada ka yimid taasoo laga baqayo in ay soomaalidu gaadho inay iyadu u madax banaanaato amniga iyo hawlgaladeeda dawliga ah.
Tan kale waxaad ogtihiin in dhul badeedkii ilaahay inagu manaystay la qaatay qayb ka mid ah qaybo kalena la rabo oo hada qorshahoodu socdaan, waxaan wada dareemaynaa in xuduudaha dalka sidii la doono ay uga soo galaan ciidamo aan tiradooda iyo ujeedadooda toona la ogayn lagana war helo iyagoo meel dad soomaaliyeed ku laayey waxaad maalin walba maqashaan ciidamo ajaanib ah oo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ku laayey meelo soomaaliya ka mid ah waxaad maalin walba aragtaan xafiisayda madaxda sare ee dalka oo ay la maamulayaan ama sirtii iyo siyaasadii dalku ay gacanta ugu jirto Ethiopian iyo Kenyan ama Ugandian, waxaan si xeeladaysan loola wareegay dhulal muhiimad wayn ugu fadhiyey dalka oo laga samaystay mucaskaraad iyo meelo militaryga lagu tababaro iyo meelo kale oo maamul sidoo kale ma gali karo qof muwaadin soomaaliyeed sheegtaa meelaha qaar wuxuu doono iyo darajaduu doonaba ha sitee dalka hadaba yaa odhan kara lama haysto waxaa fiican in warbaahinada soomaaliyeed haba lagu laayee ay ka shaqeeyaan inay baahiyaan waxyaabaha wadanka ka socda qabtaana doodo (debates) iyo wacyigalin iyagoo aan ku darayn buunbuunin iyo ka beensheegid sida wax u jiraan.
Waxaad xusuusnaataan muddo gaaban oo aan ka badnayn 100 sano inuu qorshuhu yahay in soomaaliya ay gabi ahaanba ku wareegto dawladaha dariska ah lana tirtiro calan, ciidan iyo shacbiiyad is maamusha oo dawlad soomaaliyeed sheegata ha u arkina 100 sano wax badan waxaadse ogaataan in hadaba la ina maamulo halkaasna lagasii wadayo cid soomaaliyeed oo go’aan ka gaadhi karta arrimaheedana aanay jirayn wixii hada ka dambeeya, arrintana waxaa lagaga hortagi karaa in hada laga kaco oo la baraarugo.
Masaakiinta Xasan Sheekh iyo yarka uu dhalay AHN madaxwaynihii hore Cabdirashiid iyo kuwa kale ee la midka ah ama ka xun sida Cabdiwali Gaas, Siilaanyo, Axmed Madoobe, Shariif Xasan, Guuleed iwm., waxay door bideen inuu xukumo Gabre oo ay fuliyaan danaha iyo ujeedooyinka cadawga runtiina waxay istaahilaan in la daldalo kaagasii darane damiir xumadooda waxay u fulinayaan iyagoo og inay cawaaqibxumo ku tahay dalka iyo dadkiisaba balse waxaa kala wayn mudadaas yar ee ay kursiga ku fadhiyaan.
Qoraalkan yar waxaa iga keenay saacadan aan hada fadhiyo computerka ayaan akhriyey cinwaankan hoosku qoran waxa uu ka hadlayo taasaana runtii iga keentay inaan intan soo gudbiyo maadaama aanu maanta dhawaaqaygu meel dheer oo uu wax ka badalo gaadhi karin hadana naftaydaa isiin wayday inaan ka aamuso marka walaalayaal iga gaadhsiiya muwaadiniinta dulman ee soomaaliyeed.
Gabagabadii waxaan rabaa inaan dadka inta aan ku baraarug sanayn ku baraarujiyo in aanay marnaba rumaysan waxyaabaha lagasoo sheegayo maamulada magaca soomaali xambaarsan ee hadana sida arxan darrada ah u dhaxal wareejinaya dalka.
Bal akhriya waxyaabaha ay warbaahintu ka qortay oo inta badan run ah.
5. http://caasimadda.net/ethiopia-oo-odayaal-dhaqamed-xabsiga-dhigtay-hanjabaad-culus-oo-loo-jeediyay/
Qore: Dr. Mohamed Ali Moalim