Puntland oo soo rogtay amar ka dhana ah 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa amaro kusoo rogay hoteelo ku yaala magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, kadib markii maalmahaan magaalada lagu qabanayay shirar looga hadlayay arimaha hiigsiga sanadka 2016.

Cumar Cabdulaahi Faraweyne, gudoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland ayaa soo saaray qoraal digniin loogu jeedinayo dhamaan hoteelada ku yaala magaalada Garowe.

Digniinta loo jeediyay hoteelada magaalada ayaa ah inaan lagu qaban Karin xaflado ku saabsan hiigsiga sanadka soo socda ee 2016, waxaana loo jeediyay dhamaan maamulada hoteelada ku yaala magaalada.

Sidoo kale hoolalka magaalada Garowe, hoteelada, jaamacadaha iyo goobaha waxbarashada ayaa loo jeediyay dignaantaasi ah inaan looga hadlin  waxyaabaha aan la xiriirin doorashada ama hiigsiga sanadka 2016.

Shirka hiigsiga sanadka 2016 ayaa la qorsheeyay in lagu qabto magaalooyinka Garowe, Kismaayo, Cadaado iyo Beledweyne, waxaana la ogeyn sida maamulka Puntland looga dhaadhicin doono in shirkaasi lagu qabto Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com