Tirada dhimashada ee weerarkii xalay ka dhacay magaalada Paris oo la shaaciyay (Sawirro cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya dhimashada ka dhalatay weerarkii cuslaa ee lagu qaaday dhismooyin ay dadka ku badan yihiin oo ku yaalla Magaalada Paris ee dalka France.

Saraakiisha Caafimaadka Paris ayaa sheegay in hada dhimashadu ay mareyso 128 ruux, dhaawacana uu gaarsiisan yahay 180 ruux oo 80 kamid ah xaaladoodu liidato.

Madaxweynaha dalka France François Hollande ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah iyadoo la xiray dhamaan goobaha laga soo galo dalka Faransiiska.

François Hollande waxa uu weerarkaasi ku eedeeyay Kooxda Daacish, waxa uuna sheegay in weerarkaasi uu ka danbeyn doono xisaabtan.

Dhanka kale, weerarkaasi ayaa qalqal galiyay shacabka ku nool magaalada Paris.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

13

14

15

15