Xog cusub: Isku shaandheynta golaha wasiirada oo qarka u saaran in loo hakiyo 3 arrin awgood

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xubno ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya inay suuragal tahay in la hakiyo qorshihii laga lahaa Isku shaandheynta Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Sababta hakinta qorshahaasi ayaa lagu sheegay inay tahay caqabado badan oo lasoo darisay Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid taasi oo la xiriirta sarakaca khilaafka labada mas’uul iyo caqabado kale oo ka soo cusboonaaday dhanka wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxweyne Xassan ayaa isaga doonaaya in dhamaan shaqooyinka wasiirada uu isaga qabto sidaa awgeedna xukuumada cusub ee imaan doonta ay noqdaan kuwo qalad iyo saxba isaga uga danbeeya si uu u hirgaliyo hanaankiisa Siyaasadeed.

Ra’isul wasaare Cumar oo garab ka helaaya dhanka Siyaasiyiin ka kala tirsan labada Gole ayaa isna kasoo horjeeda in lala faragaliyo qorshaha isku shaandheynta, waxa ayna taasi soo dadajisay inuu kordho khilaafka labada mas’uul.

Qodobada sababta looga dhigay in dib u dhac uu ku imaankaro qorshaha isku shaandheynta ayaa waxaa kamid ah:

1-Wakiilada beesha caalamka ka jooga Somalia oo ka hor imaaday isku shaandheyn xiligaani lagu sameeyo wasiirada.

2-Xassan Sheekh oo diiday in Liiska wasiirada cusub lagu darro shaqsiyaad aan isaga magacaabidooda laga soo amarqaadan.

3-BFS oo is hortaagay in Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid ay xukuumada cusub kusoo daraan Siyaasiyiin horay ugu fashilantay Siyaasada dalka.

Wasiirada hadda shaqeeya ayaa 85% aaminsan inuusan dhici doonin Isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada, waxa ayna sabab uga dhigayaan in maalinba maalinta xigta uu sii kordhaayo khilaafka Xassan iyo Cumar ee ku aadan qaabka loo hirgalin lahaa isku shaandheynta.

Dhanka kale, Qorshaha isku shaandheynta ah ayaa qaatay wakhti badan, waana tan iminka keentay shakiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com