Xuseen Shire iyo Abwaan Sangub oo DAGAAL ku dhowaaqay “Tuutaha qaata madaxdeenaay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah abwaanada Soomaaliyeed ayaa si adag kaga hadlay xad gudubka dowlada Kenya ay ka waddo dalka Soomaaliya iyo dhul balaarsiga ay ka bilowday duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Abwaan Sangub oo kamid ah abwaanada Soomaaliyeed ayaa maalintii shalay jeediyay hadal qiirada shacabka Soomaaliyeed kiciyay isagoo ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Jubbaland, gudoomiyaha baarlamaanka, ra’iisul wasaaraha dalka iyo ummada Soomaaliyeed ay qoriga qaataan.

Wuxuu sidoo kale soo jeediyay Sangub in dhamaan ummada Soomaaliyeed ay muujiyaan midnaan ay ka mideysan yihiin sharci darada dowlada Kenya ay ka waddo gudaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa markiisa fariin muuqaal ah soo diray fanaanka weyn Xuseen Shire Jaamac oo kamid ah kooxda Qeylo dhaan  isagoo fariintiisa ku taageeray Abwaan Sangub kuna baaqay in mowqif mideysan laga qaado dowlada Kenya.

Hoos ka daawo

https://www.youtube.com/watch?v=gP8HoE85QwM

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com