BFS oo qaraar ka kooban 5 qodob ka soo saaray darbiga ay Kenya ka dhisayso xuduudda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta mar kale muranka darbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Somalia ka dooday Xildhibaanada BFS.

Kulanka Mudanayaasha kadib ayaa waxaa halkaasi laga akhriyay qaraarkii kasoo baxay kulanka oo ka koobnaa ilaa 5 Qodob oo ay DFS kaga gaashamaneyso xadgudubka qaawan ay Kenya ku heyso Soodinta Somalia.

Qaraarkaani qodobeysan ayaa waxaa soo diyaariyay Guddiyada arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha ee BFS iyadoo xukuumadda Kenya loogu baaqay in ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Somalia.

QODOBADA UU GUDIGA SOO SAARAY AYAA WAXAA KAMID AH:-

1-Inay xukuumadda Kenya si deg-deg ah oo rasmi ah u joojiso dhismaha darbiga ay xadka ka dhisayso.

2-Inay dowladda Kenya ka fogaato tir-tirisda iyo baabi’inta calaamadihii ay dhex-dhigeen gumeystayaashu labada waddan.

3-In dowladda Kenya ay ilaaliso xiriirka Walaalnimo, Darisnimo iyo Saaxiibtinimo ee ku saleysan iskaashiga labada dal.

4-In la baahijo dhibaatooyin ama xasarad ka abuurmi kara sii wadiddaa dhismaha darbiga sharci-darrada.

5-Si loo dhiso jawi ku dhisan kalsooni iyo is-aaminaad ay dowladda Kenya muddo kooban ciidammadeeda ugala baxdo Soomaaliya.

Qaraarkani, ayaa waxaa u codeeyay 160 Xildhibaano, iyadoo laba oo keliya ay diiday.

Dhanka kale, Qaraarkan ayaa noqonayo mid sharci ah, sida uu ku dhawaaqay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com