Siyasiga Deqow Maxamud Tirow oo hambalyo u diray Gudomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir

Siyaasiga Maxamed Deeq Maxamuud Yuusuf Tiirow oo loo yaqaan Deeqow ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray gudoomiyaha Gobolkan banaadir ee dhawaan loo magacaabay duqa magaalada Muqdisho iyo gudoomiyaha gobolka.

Md. Deeqow oo kusugan isla markaana degan Danamrk ayaa aad ugu faraxsan kuna kalsoon gudoomiyaha xilka loo magacaabay wuxuuna qiray inuu hawsha loo idmay uu kasoo bixi karo.

m tirow

Md. Deeqow oo kasoo jeeda dadka dega deegaanka gobolka Banaadir ee Xamar iyo xamar daye ayaa waxaa dhalay ninka sida weyn looga yaqaan gobolka Banaadir ee Maxamuud Yuusuf Tiirow oo lagu xusuusan karo Baar Novajante iyo dhismaha tabeelada Jacaylka oo ku yaala Maana Boolyo.

Deeqow ayaa sidoo kale aabahiii lagu xusuusan karaa sida weyn ee beesha Mudulood ugu dhexmuuqday isagoo magac iyo maamuusba kulahaa, wuxuuna ahaa ganacsade weyn oo lahaa Tiirow Export and Import.

Siyaasi Deeqow waxa uu rajeeyey gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) inuu noqdo sida naaneestiisaba ka muuqato inuusan ka daalin hogaanka iyo habsami u socodka sidii uu dadka ku dhaqan Muqdsiho ugaarsiin lahaa horumar iyo barwaaqo.

Ugu danbeyn Md. Deeqow wuxuu gudoomiyaha gobolka Banaadir Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ku dhiiri galinayaa in dadka deegaanka kasoo jeeda ineey si weyn u taageersan yihiin ayna garab taagan yihiin.