Dagaal laga cabsi qabo inuu Baladweyn ka qarxo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalada magaaladaasi ay iminka tahay mid kacsan.

Wadooyinka iyo xaafadaha qaar ayaa waxaa lagu arkayaa maleeshiyaad aad u hubeysan kuwaasi oo ka careysan dilka ay Ciidamada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan u geysteen Sargaal ka tirsanaa Hay’adda QM oo ka howlgali jiray magaaladaasi.

Magaalada Baladweyne, ayaa la ciir ciireyso maleeshiyaad sheegay inay duulaan ku yihiin aqalka Gudoomiyaha Gobolka, si ay jawaab uga bixiyaan dilkii loo geystay Sargaalkaasi.

Maleeshiyaadkaani ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay dagaal ka dhex dhaliyaan gudaha magaalada, waxaana xusid mudan in Ciidamada maamulka intooda badan banaanka looga soo saaray xarumahooda.

Magaalada ayaa ah mid kala xiran wadooyinka qaar ayaa u xiran maleeshiyaadka duulaanka wada ee ku heebta ah Sargaalka la dilay, halka wadooyinka qaarna ay buuxiyeen Ciidamada Maamulka.

Geesta kale, wali maamulka gobalka Hiiraan wax war ah kama uusan soo saarin arrintaan, waxaana magaalada Baladweyne maanta ka jirin ganacsi iyo isku socodka dadweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com