Madaxa dekadda Kismaayo oo difaacay KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Dekada Kismaayo Cabdulaahi Xadhuun ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Kenya ay ka macaashto Sonkorta kasoo degta Dekada Kismaayo.

Maareeyaha ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Maamulka Jubbaland laga faafiyo warar aan sal iyo baar laheyn, waxa uuna beeniyay in dekada Kismaayo dhuxul laga dhoofiyo, Sokorta kasoo degtana ay ka macaashto Kenya.

Maareeyaha oo difaacaya Dowlada Kenya ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay ka madax-banaan yihiin warbixinada eedeymaha loogu jeedinaayo, waxa uuna waxkama jiraan ku sheegay qoraalada ay faafinayaan Warbaahinta caalamka iyo tan maxaliga ah.

‘’Kenya ma mudna in laga faafiyo war xumo tashiil, waayo waxa ay Kismaayo iyo deegaanada ku-xeendaaban ka dhigtay amaan, anigu waxaan halkaani ka xaqiijinayaa inaan dhuxul laga dhoofin dekada, Kenyana aysan wax lug ah ku laheyn tuhunka loo jeedinaayo’’

‘’Dekada Kismaayo mar hore ayaa ugu danbeysay dhuxul laga dhoofiyo, waxaan ka digeynaa in maamulka laga faafiyo war xumo tashiil, waayo ma suuragali doonto in damiirka uu nasiiyo in dhagaheena ay kusoo dhacaan warar aan sal iyo baar laheyn’’

‘’Kenya waa dal aynu walaalo nahay sidaa awgeed kama aamusi karno wararka laga faafinaayo’’

Haddalada kasoo yeeraya Madaxda Maamulka Jubbaland ayaa muujinaaya inay difaac u sameynayaan macaashka ay Dowlada Kenya ka macaasheyso Badda iyo Bariga Somalia.

QM ayaa dhowr jeer oo sii horeysay sheegtay in Maamulka Jubbaland iyo Kenya ay xaalufin ku hayaan dhuxusha, iyaga oo ka digay in Kenya ay si sharci darro ah u dhoofiso Dhuxusha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com