Xog: Hamiga Kenya iyo hurdada DF Soomaaliya

Maqaalkaan, waxaan uga hadlaynaa, damaca Kenya ee Bad iyo Beri ee dalka Somaliya. Sida aan wada ogsoonahay, dawlada Kenya waxay sanadahaanba waday isku dayo ay ku xalaashanaaysho dhulkii Soomaaliyeed, iyadoo aan ka gaabsanayn kana xishoonayn, xurmaynayna, derisnimada iyo dhibka haysta Somalia.

Soo shaac bixii damaca Kenya

Dalka Kenya oo ah dal deris la ah Somalia, dal iyo dad Soomaaliyeedna haysta oo uu u xalaaleeyay gumeystihii Ingiriiska. Isagoo doonaya inuu kor u qaado kaalinta dhaqaale ee dalka ayaa wadamo shisheeye waxay ku dhiiro geliyeen inuu ka faa iidaysto loona maal geliyo dhulka aadka u dihin ee Somalia kuna aadan xuduuda labada dal, si taas loogu guuleysto Kenya waxay bilowday dardartii muran gelinta Badda Somalia. waxayna xiriir la soo sameeyeen, General Moorgan oo isagu markaas Kismaayo maamulayey, waxayna u soo jeediyeen inay kala hadlaan xuduuda Badda Somalia, Wuxuuse diiday inuu biyaha iyo dhulka Somalia wax gor gortan ah geliyo.

Intaas markii lagu guulaysan waayey, kadib dhalashadii dawladii ku meel gaarka ahayd(TFG) ee uu hogaaminayey Madaxweyne C/laahi Yuusuf, Kenya waxay isku dayday inay ka hesho wax is afgarad ah oo ku saabsan Badda Somalia balse dawladii Soomaaliyeed waa ay diiday arintaas waxayna u arkeen daan daansi dhuleed.

qorshayaashaas markay socon waayeen ayaa waxaa hogaanka dalka loo doortay madaxwayne Shiikh Shariif sheikh ahmed iyo raisal wasaare Cumar Cabdirashiid waxayna Kenya la galeen wax loogu magac daray is afgarad arintaas oo Kenya fursad u siisay muran gelinta biyaha Somalia.

Dacwada Kenya ayaa ah in cabirka badda Somalia lagu saleeyo xariiqda ah longitudinal line, ayna banaysato dhul badan oo badda iyo beriba ah. Ayadoo horay uu u ahaa cabirka badda somaaliya Perpendicular line, arintan ayaa waxa ka horyimid baarlmanka iyo shacabka somaliyeed taasoo keentay in dacwada loo gudbiyo maxkamada caalamliga ee muranka xuduudaha

Dadaalka Kenya

Kadib isku dayo badan oo fashilmay iyo dacwadii oo tagtay maxkamad caalami ah, Kenya waxay ku tashatay inay qorshaha badalaan ayna ka faa iidaystaan fursado kale waxayna indhaha dadka u jeediyeen inaan Somalia amni ahaan lala dersi Karin ayna mudan yihiin inay darbi isaga xiraan. Arintaas ayey uga goleeyihiin inay ku tir tiraan astaamaha xuduuda labada dal si murankii badda loo sii xoojiyo, waxaaa cadaynayaa arintaas tan maanta ka taagan magaalada baladxaawo ee gobolka gedo, waxayna ka gaareen guulo muhiim u ah.

Talo ku socota Dawladda Somalia.

Mar haday Kenya dayn wayday dardar gelinta damaca dhulka Somalia, Somaliyana aysan ahayn dawlad awood military leh kana warcelin karta dadaalada Kenya, masuuliyada waxa socdana ayadu dusha u ridanayso iyo wixii soomaali ka xumaadaba.

Waxaan kula talin lahaa dawladda Somalia qodobadaan soo socda.

  1. Inay siyaasad midaysan arintaas ka yeeshaan dhammaan qaybaha kala duwan ee dawladda sida Xukuumada Baarlamaanka, madaxweynaha iyo garsoorka
  2. In arinta la caalamiyeeyo oo ilaa qaramada midoobay la gaarsiiyo iyo dawladaha awoodda leh
  3. In dawladu dirto guddi kooban oo xaqiiqda soo bandhiga kana socda Somalia
  4. In loo yeero safiirka Somalia Kenya u fadhiya si loo muujiyo meesha arintu gaarsiisan tahay
  5. Inay dadka Soomaaliyeed loo soo bandhigo meesha arinku marayo, kuna dhiiro geliyaan dadku inay dalkooda difaacaan midkii af ku difaaci kara iyo kii adin ku difaaci karaba
  6. Inay ku dadaasho dawladu siday u sugi lahayd amniga gudaha

Intaas ayaan maqaalkaygii ku soo koobayaa waxaana rajaynayaa inay dawladdu ildheer ku aragto waxa socda .

Waa qalinkii: Cabdulqaadir Xuseen Handal

Email: huruuse089@gmail.com