GUULEED oo shir muhiim ah ka furay Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka shir looga hadlayay aayaha Soomaaliya iyo qaabka doorasho ee ka dhici karta dalka Soomaaliya dhamaadka sanadka soo socdo.

Maxamuud Aadan Masagaa, wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa mid maamulka Galmudug uu qaban qaabiyay, loogana hadlayo hiigsiga sanadka 2016.

Ku dhawaad 200 oo ergo ayuu sheegay iney shirkaasi kaga qeyb galeen magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ee uu madaxweynaha ka yahay C.kariin Xuseen Guuleed.

Waxyaabaha kasoo baxa shirkaasi ayuu sheegay iney u gudbin doonaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada Soomaaliya marka ay shirka kaga qeyb galayaan magaalada Cadaado, maadaama uu sheegay in dadka shirka maanta ka qeyb galaya ay yihiin shacabka Galmudug.

“Waxaa maanta loo balansanaa in shirka madasha wadatashiga qaran uu ka furmo Cadaado, waxaa ka qeyb galay 200 oo ergo waxaana daah furay madaxweynaha maamulka Galmudug, seddex maalin ayaana shirkaan la qorsheynayaa inuu ka socdo Cadaado”ayuu yiri Masagaa.

Shirar looga hadlayo nooca doorasho ee sanadka soo socdo ka dhici karta dalka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo madaxda dalka kaga qeyb galaan magaalooyinka Cadaado, Kismaayo, Garowe iyo Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com