Ilaalada guddoomiye Gobol oo sarkaal QM ah.!!!

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa hayada Miino baarista ee Mine Action.

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Mahdi Xuseen Shiiqaal ayaa ku sugnaa xaafada Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana xiligaasi uu bixinayay siminaar ku saabsan maamul wanaaga.

Labo kamid ah ilaaladiisa ayaa sidoo kale la sheegay in goobta ay ka kaxeeyeen ciidamada ka amar qaata gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, lamana oga sababta dilkaasi ka dambeysa iyo halka ciidamada lala aaday.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in gudoomiyaha Hiiraan uu ka carooday isku xir uu sarkaalkaasi u sameynayay dadka shacabka ah ee Hiiraan iyo hayadaha Qaramada Midoobay.

Halka wararka kale ay sheegayaan in gudoomiyaha uu ka carooday siminaarka uu sarkaalka ka bixinayay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ma jiro ilaa iyo hadda sarkaal ka tirsan maamulka Hiiraan oo ka hadlay dilka ka dhacay duleedka magaalada beledweyne ee loo geystay Mahdi Xuseen Shiiqaal.

Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in xiisad badan ay ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, taasi oo u dhaxeyso ciidamo qaab beeleed isku abaabulay kuwaasi oo xirtay xaafad ka mid ah magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com