Xasan Sheekh iyo CCC oo ka carooday go’aankii shanta qodob ahaa ee BFS uu ka qaatay KENYA

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Xildhibaanada BFS ay markii labaad ka doodeen darbiga ay xukuumadda Kenya doonayso inay ka dhisto soohdinta ay la leedahay Somalia, ayaa waxaa dooda xildhibaanada kadib leysku raacay 5 qodob oo ay soo diyaariyeen Guddiyada arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha ee BFS ayaa waxaa la soo warinayaa in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ay aad uga caroodeen go’aanka kasoo baxay BF.

Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar oo kulan degdeg ah Villa Somalia kula qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan gudoonka sare ee BFS ayaa waxa ay kala hadleen Go’aanka ay isla gaaren Xildhibaanada.

Madaxweyne Xassan iyo Cumar C/rashiid ayaa ku dooday in go’aankaasi uu carqalad Siyaasadeed u abuuri karo Somalia, islamarkaana ay ka xun yihiin degdega lagu ansaxiyay.

Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid ayaa Xubnaha ay kala kulmeen Gudoonka sare ka codsaday inay dib ugu laabtaan qodobada 5-ta ka kooban ee laga soo saaray kulanka ay BF uga doodayeen darbiga ay Kenya dhiseyso.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in arrinkaani ay mudneyd in lagu dhameeyo wada hadal ay la furaan Dowlada Kenya si qaab Siyaasadeed looga wada doodo, hayeeshee iminka ay arrintu tahay mid ka fog wada hadal.

Xubnaha Gudoonka BF ayaa waxaa kulankaasi ku wehlinaayay Xubno kale oo ka tirsanaa BFS kuwaasi oo la kulanka Madaxweyne Xassan iyo Cumar C/rashiid ku tilmaamay inuu yahay mid ay labada Mas’uul dalka iyo xuduudihiisa ugu gacan galinayaan Dowlada Kenya.

Mid kamid ah Xildhibaanada kulankaasi ka qeybqaatay ayaa xaqiijiyay in Madxaweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ay Kenya raali uga yihiin xadgudubyada qaawan oo ay wado.

Waxa uu tilmaamay in arrinkaani uu iftiiminaayo shakigii la xiriiray in Kenya ay u saxiixeen iibinta Badda Somalia, balse waxa uu carabka ku dhuftay in BFS uusan meel uga hari doonin diidmada Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA AY KA CAROODEN XASSAN SHEEKH IYO CUMAR C/RASHIID

1- Inay xukuumadda Kenya si deg-deg ah oo rasmi ah u joojiso dhismaha darbiga ay xadka ka dhisayso.

2- Inay dowladda Kenya ka fogaato tir-tirisda iyo baabi’inta calaamadihii ay dhex-dhigeen gumeystayaashu labada waddan.

3- In dowladda Kenya ay ilaaliso xiriirka Walaalnimo, Darisnimo iyo Saaxiibtinimo ee ku saleysan iskaashiga labada dal.

4- In la baahijo dhibaatooyin ama xasarad ka abuurmi kara sii wadiddaa dhismaha darbiga sharci-darrada.

5- Si loo dhiso jawi ku dhisan kalsooni iyo is-aaminaad ay dowladda Kenya muddo kooban ciidammadeeda ugala baxdo Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com