XOG: Odowaa iyo wasiirka amniga oo uu loolan siyaasadeed adag ka dhex billowday + Sababta.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdiraxman Odowaa ayaa lagu soo warramayaa in uu khilaaf adag uu soo kala dhex galay isaga iyo wasiirka Amniga Qaranka Cabdirasaq Omar.

Khilaafka ayaa salka ku haya maamul u sameynta gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan. Wasiirka Amniga oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa raba in mansabka iyo go’aanka labada gobol loo dhaafo oday dhaqameedkii soo jiraanka ahaa ee labada gobol, halka uu rabo Wasiir Odowaa in uu isaga maamulo.

Waxaa kale oo la sheegayaa in khilaafka uu salka ku hayo markii uu wasiir Odowaa warqad u saxiixay hay’ad NGO ah (Heritage Institute) ee kooxda Aala Sheekh, kuwaas oo rabo in aay gacanta ku dhigaan dhaqaalaha ku bixi doona maamul u sameynta labada gobol iyo sidii aay u hubin lahaayeen in musharaxooda uu ku guuleysto xilka madaxweyne ee Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan. Kooxdan ayaa loolan adag ugu jirta in ay u tartamaan kursiga madaxweynaha ee sanadka danbe 2016.

Mid ka mid ah lataliyaasha wasiirka Amniga oo la hadlay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho ayaa aad u dhaliilay khibrad yarida iyo go’aan xumida wasiir Odowaa. Wasiirka ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu dib u heshiisiin ka dhex billaabo walaalaha wada dego gobolka Hiiraan, uuna caqabad ku yahay wasiir Odowaa qorshaha dib u heshiisiineed.

Wasiirka ayaa dhaqaale u raadinayo dib u heshiin dhab ah oo halkaa ka dhacdo, balse aanay suuro galeyn haddaan laga qaban Odowaa. Wasiirka ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Waxaa iyana jira in qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Hiiraan ay carqaladeynayaa caqabadna ku yihiin maamul u sameynta labada gobol, waxaa la sheegayaa in xildhibaanada qaar aay laaluush ka qaateen Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo isaga raba in uu madaxweyne ka noqdo halkaas. Xildhibaanadan ayaa waxaa horjooge u ah Xildhibaan Qoone.

Xildhibaan Cabdulqaadir ayaa sidoo kale xiriir dhow la leh xafiiska RW CCC. Xildhibaanka Ayaa u ballan qaaday Inuu taageeri doono RW CCC musharaxnimadiisa sanadka 2016.

Arrintan ayaa waxaa si weyn uga shakisan kooxda Damuljadiid oo aad uga soo horjeeda siyaasadda xildhibaan Cosoble.

Si kastaba ha ahaatee waxaa mugdi sii galaya maamul u sameynta labada gobol ee Sh. Dhexe & Hiiraan maalinba maalinta ka danbeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com