Sawir gacmeed adduunyada ka yaabiyey oo lagu kala iibsaday 70.5 milyan oo dollar (Yaab cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawiraaga caanka ah ee lagu magacaabo Cy Twombly oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa si aad ah asbuucii tagay uga macaashay Sawir gacmeed uu soo bandhigay.

Sawirgacmeedkan oo loo ekeysiiyay sabuurad jeesto lagu xarxariiqay ayaa lagu soo bandhigay suuq caalami ah oo waxyaabaha farshaxanada ah lagu naadiyo kaasi oo lagu magacaabo (Sotheby’s auction house), gaar ahaan xaruntiisa ugu weyn ee magaalada New York ee dalka mareykanka.

Sawirkaani ayaa waxaa lagu kala iibsaday lacag dhan $ 70.5 malyuun, taasi oo arrin cajiib ah ku noqotay shucuubta caalamka.

Farshaxaniiste Cy Twombly ayaa Sawirkaasi iibiyay arbacadii lasoo dhaafay waxa uuna noqday nin daqiiqado gudaheeda ku noqday Milyuunaar.

HOOS KA DAAWO SAWIRKA
loox