Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka billowday xadka Somalia iyo Kenya u dhexeeya (Saraakiil tagtay)

Beledxaawo (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan DFS ayaa wada qorsho ay uga hortagayaan dhismaha sharci darada ah oo ay Dowlada Kenya ka wado xuduudka ay la wadaagto Somalia.

Cabdiqaadir Max’ed Cali oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka DF ee ka howlgala degmada Baladxaawo, ayaa sheegay in Kenya ay dib uga saari doonaan dhulka ay hadda ka qabsatay Somalia.

Waxa uu sheegay hadii ay diido inay dib uga baxdo dhulkaasi ay qori caaradiisa uga saari doonaan, waxa uuna tilmaamay in wixii intaa ka danbeeya aysan u dulqaadan doonin.

Waxa uu tilmaamay in Kenya ay ku dhiiraneyso inay ka faa’iideysato khilaafyada ragaadiyay DFS, balse talaabadaasi ay ka danbeyn doono talaabo Militeri oo dib u hurin doono colaad.

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Militeriga Somalia ay iminka u ruqaansadeen xadka Somalia ay la wadaagto Kenya.

Ujeedka ayuu sheegay inuu yahay in ay ka hortagayaan darbiga Kenya ay ka dhiseyso gudaha Somalia.

Dhanka kale, Ciidamada Militeriga ee xadka loo diray ayaa iminka bilaabay dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan in ay is hortaag ku sameeyan darbiga Kenya ay dhiseyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com