Xukuumadda CCC oo dhagaha ka fureysan rabta go’aanka xildhibaannada iyo BF oo ka warhelay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney ka warhayaan in xukuumada Soomaaliya qorsheyneyso iney hishiisyo la gasho dowlada Kenya oo hadda dooneyso iney dhacdo dhulka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Samad Macalin Maxamuud, oo kamid ah xubnihii shalay ka hadlay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney maalmahaan socdaan hishiisyo dowlada dooneyso iney la gasho dowlada Kenya.

Xildhibaanka ayaa dalbaday in dowlada Kenya aan wax hishiis ah lala galin, isagoo ka digay dhibaatada ka dhalan karta hishiiskaasi, maadaama baarlamaanka Soomaaliya ay diyaariyeen qaraar ciidamada Kenya looga saarayo dalka Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaan Goodax Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumada Cumar C/rashiid wax hishiis ah la gali Karin Kenya ilaa baarlaamaanka Soomaaliya ay soo dooranayaan dadka shacabka ah.

Qodobadii shalay baarlamaanka soo saareen waxaa kamid ahaa si loo ilaaliyo madaxbanaanida Soomaaliya in ciidamada Kenya guud ahaan dalka Soomaaliya laga saaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com