GALMUDUG oo war kasoo saartay duulaan la sheegay in uu kasoo socdo Ahlu-Sunna

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa markii u horeysay ka hadlay warar sheegaya in ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca uu qorshenayo duulaan uu dib ugula wareegayso magaalada Dhuusamareeb oo ay hore gacanta ugu haysay.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax welwel ah oo maamulka Galmudug uu ka qabo duulaan uga yimaada dhanka Ahlu-Sunna.

“Maamulkeena dhibaato uma arko in Ahlu-Sunna ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda, kuna sameystaan siyaaro, taasi oo qeyb ka ah dabacsanaanta ay muujineyso dowlad goboleedka Galmudug,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan Saraakiil Ahlu-Sunna ka tirsan oo ku sugan Galgaduud, kuna howlan yihiin arrimo la xiriira siyaarada Sheekh caan ah, islamarkaana meesha ka saaray in uu jiro duulaan iyo abaabul ciidan oo ka dhan ah maamulkooda.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili ay soo baxayaan warar la xiriira in Ahlusunna ay ku howlan tahay ururinta hub iyo ciidamo, gaar ahaan deegaano ka tirsan Galgaduud.

Ahlusunna ayaa dhawaan maamulka Galmudug ku eedeysay inay ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab oo ayagu ay kal hore ka xoreeyen deegaanadaas, lamana oga in arrintaas ay daba socoto dar-darta cusub ee ay wadaan.