R/W Rooble ‘oo billaabaya’ bixinta dhaqaale ku baxaya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay dar-dar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada gobollada woqooyi.

Kulanka ayaa sidoo kala looga hadlay bixinta dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada gobolada Waqooyi oo muddo badan uu curyaamiyey muran hor leh.

Waxaa ka qeyb-galay kulankaas Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada woqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen oo ka warbixiyey kulankaas ayaa sheegay in la isla qaatay in la dadajiyo bixinta dhaqaalaha doorashadaas.

“Diiwaan-gelinta waxay noo soo gaba-gabowi doonta caawa, berrina waxaa noo bilaabmi doona khudbad jeedintii musharaxiinta, saddexda cisho ee ku xigana doorashada ayaa noo dhici doonta, meel fiican ayey wax noo marayaan,” ayuu sidoo kale yiri Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya iyo taliska booliska AMISOM, isagoona kala hadlay amniga doorashada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi.

Kulankaas ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland), ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uu faray taliska booliska iyo kuwa AMISOM fududeynta howlaha amniga ee doorashada aqalka sare ee Somaliland.