Wasiir Jamaal oo laga reebay ilaaladiisa iyo amar culus oo kasoo baxay Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa goordhoweyd gudaha u galay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib markii laga reebay ilaaladii la socotay.

Wasiir Jamaal ayaa watay kolonyo ciidamo ah oo galbinayay, taasi oo keentay in muddo ku dhow saacad ku xanibnaado duleedka magaalada Garoowe, sida ay ilo xogagaal ah u sheegen Caasimada Online.

Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar deg deg ah oo gebi ahaanba lagu joojinayo in musharaxiinta Golaha Shacabka aysan isticmaali karin gaadiid gaashaman iyo ciidan ilaalo intaba.

“Iyadoo laga duulayo waajibaadka joogtada ah ee adkeynta amniga Dowladda Puntland, lana tixgalinayo xaalada ololaha qabsoomida doorashada Golaha Shacabka ee heer federal iyo doorashooyinka dowladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, waxay Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Puntland ku wargelinaysa musharaxiinta inaysan isticmaali karin gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah toona,” ayaa lagu yiri waraaq wargelin amar ah oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Amniga Puntland.

“Qofkii sababo gaar ah uga maarmi waaya ilaala wuxuu lasoo xiriiriya Taliyaha Booliska Puntland. Haddaba waxaa dhamaan la farayaa laamaha amniga fulinta awaamiirtan iyo gudashada waajibaadkooda.”

Amarka Musharaxiinta ay Puntland uga maamnuucayso ilaalada iyo gaadiidka gaashaman ayaa imanaya un kadib markii Wasiir Jamaal lagu xanibay duleedka Garoowe.

Maamulka Puntland ayaa kal hore ku eedeyay Wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka in uu abaabulayey kacdoon bulsho, kadib markii ay si weyn u faafeen warar sheegaya in la kala ceyriyay dad kusoo dhaweynayay garoonka Garoowe.