Galmudug oo yeelaneysa wasiiro cusub iyo khilaaf xooggan oo ka taagan

Cadaado (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ku dhawaaqi doono xukuumad cusub.

Xaaf ayaa lasoo sheegayaa inuu soo gabagabeeyay wadatashi uu la sameynaayay Xildhibaanada iyo Odayaasha Galmudug, waxaana lagu wadaa in Wasiirada cusub uu ku dhawaaqo maalmaha fooda nagu soo haya.

Wasiirada cusub ee la magacaabayo ayaa waxaa ka dhex muuqan doona Wasiiro hadda ku jira Xukuumada Galmudug.

Wasiirada horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ee  dib usoo laaban doona ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda.

Hogaamiye Xaaf oo maalmahaani ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana safarkiisa ku wehliyey Saadaq Sheekh Yuusuf wakiilka Ahlu Sunna.

Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee uu yeelan doono maamulka Galmudug.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado ayaa waxaa shalay ilaa xalay ka socday shirar looga arinsanayo qorshaha lagu doonaayo in lagu magacaabo Golaha Wasiirada cusub ee maamulka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hanaanka loo maray qeybinta kuraasta.

Sidoo kale, Xaaf ayaa la qorsheynayaa in dhanka Ahlusuna uu ka keeni doono Wasiirada Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Ma cadda sida Golaha Wasiirada cusub lagu marin doono baarlamaanka maamulka oo qudhooda la sheegay inay isku hayaan awood qeybsiga Wasaaradaha.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com