Maamulka G/Banaadir oo xilkii ka xayuubiyay 12 mas’uul oo sar sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in maamulka Gobolka Banaadir uu xilka ka xayuubiyay 12 Gudoomiye waaxeed oo hoostaga Seddex Degmo oo ka tirsan Gobolkan Banaadir.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiye waaxeedyada ay xilkooda ku waayen dayacaad lagu eedeeyay kuwaa oo ka tirsanaa degmooyinka Kaaraan, Heliwaa iyo Yaaqshiid.

Xil ka qaadista Guddoomiye waaxeedyada ayaa soo degdegtay kadib dacwooyin ka dhan ahaa oo u gudbay maamulka sare ee Gobolka Banaadir, waxaana xigay xil ka xayuubintooda.

Dacwadaha Guddoomiye waaxeedyada xilka laga qaaday ee dacwadooda ay u gudubtay maamulka Gobolka ayaa waxaa kamid ahaa in wada shaqeyn uusan kala dhexeen Guddoomiyayaasha Degmooyinka.

Maamulka Gobolka Banaadir weli kama uusan hadal xil ka qaadista Guddoomiye waaxeedyada, inkastoo warar madaxbanaan ay sheegayaan in mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ay ka biya diidan yihiin.

Dhawaan ayey aheyd markii Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ka digay in wada shaqeyn ay u dhexeyn weydo maamulka Gobolka iyo Degmooyinka, isagoo sheegay in wixii amniga khuseeya lagula xisaabtami doono Guddoomiyayaasha degmooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com