Galmudug: Qaar ka mid ah musharaxiinta oo dalbaday in la fuliyo toddoba qodob

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arimaha doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.

Qoraalka ka soo baxay musharaxiinta Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare iyo Cabdiraxmaan Aadan Sabriye ayaa ka koobnaa todoba qodob oo ay kula hadlayaan dhinacyada dowladda dhexe, Ahlu-Sunna, baarlamaanka iyo guddoonkiisa cusub, shacabka iyo siyaasiyiinta aan ku qanacsaneyn dhismaha maamulka Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Ugu horeyntii xubnahan musharaxiinta ah ayaa u hambalyeeyey guddoonka cusub lee loo doortay hoggaaminta baarlamaanka labaad ee maamulka, waxayna ugu baaqeen inay mas’uuliyaddoda u gutaan si eex la’aan ah, si hofana ay u wajahaan shaqadooda inta ay socoto doorashada xubnaha dhiman ee maamulka, iyagoo ka dalbaday inay laga tala geliyo soo magacaabidda guddiga loo xilsaarayo doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Sidoo kale musharaxiintan ayaa Ahlu-Sunna iyo shacabka reer Galmudug uga magadceliyey dhabar adeyga ay muujinayaan, iyagoo kula taliyey inaysan ka tanaasulin xaquudooda dastuuriga ah, iskana qabtaan wixii ay u arkaan inay xadgudub ku yihiin geedi socodka dhismaha maamulka.

Siyaasiyiinta aan la dhacsaneyn dhismaha maamul ee ka socda Dhuusamareeb ayey ugu baaqeen inay u turaan shacabka, kana soo qeyb galaan loolanka doorasho, waxayna dalbadeen in fursad loo siiyo la kulanka iyo xod-xodashada xildhibaanada wax soo dooranaya, sida ay sheegeen caqabadi ka heysato.

Halkan hoose ka akhriso qodobada war-murtiyeedka musharaxiinta oo dhameystiran