Aqriso: Liiska xildhibaanada Galmudug ee garabka Xaaf oo shaaca laga qaaday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Galmudug ee uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray liiska baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Xildhibaanada liiskooda la shaaciyey ee garabka madaxweyne Xaaf ayaa gaaraya 68 xildhibaan, kuwaas oo qoraalka lagu sheegay inay soo xuleen odayaasha rasmig ah ee saxiixayaasha beelaha Galmudug .

Warqadda lagu shaaciyey liiska xildhibaanada cusub ee garabka madaxweyne Xaaf ayaa lagu cadeeyey magacyada xildhibaanada iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan.

Liiskan cusub ayaa goor dhaw looga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, oo uu ku suganyahay madaxweynaha waqti xileedkiisu dhamaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Waxaana xusid mudan in magaalada Dhuusamareeb uu ka socdo dhismaha maamul ay howlgaleen baarlamaankiisu, kaas oo ay garwadeen ka tahay dowladda dhexe, balse Xaaf ayaa aad u qaadacdan howlaha ka socda Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka akhriso liiska baarlamaanka Xaaf