Xildhibaanada Galmudug oo looga digay inay saddex musharax la kulmaan

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa looga digay ilaa amar dambe in ay la kulmaan qaar kamid ah musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo ay u taagan yihiin ku dhawaad 10 qof.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hagaya dhismaha Galmudug, kana shaqeynaya in musharaxa dowladda ee Qoor Qoor uu guuleystom ayaa la sheegay in Xildhibaanada u ku amreen in aysan la fariisan karin lana hadli karin musharaxiinta kala ah.

1) – Xildhibaan Maxamed Xuseen Odowaa
2) – Xildhibaan Faarax Wehliye
3) – Kamaal Daahir Guutaale

Sababta ayuu ku sheegay in laga feejignaan doono wax loogu yeeray rajo gelinta mucaaradka oo qatar ku ah dhismaha Galmudug loo dhanyahay sida ay noo sheegeen qaar kamid ah baarlamaanka Galmudug.

“Waxaa na lagu yiri malala kulmi karo musharaaxiintaan maalmaha soo aadan, laakiin waxaa jiri doono waqti lala kulmayo waxaana soo sheegi doono annaga Insha Allaah” ayuu noo sheegay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo laga soo doortay Ceelbuur.

“Kaliya ma ahan xubnaheyna ka soo galay Ceelbuur ee waa baarlamaanka oo dhan waxaana noola sheegay in caqabado badan ay ka dhalan karto hadii lala kulmo musharaxiinta 3-da ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka aan la hadalnay ee ka tirsan baarlamaanka cusub ee Galmudug